Shirkii Tageerayaasha Qurba-Jooga Beesha Ciise Muuse ee Xisbiga Kulmiye ee Ingiriiska. Go’aanadii Ka soo Baxay Iyo Waxyaabaha Diiradda Lagu Saaray. (Daawo Sawirro)

 

Waxaa Xalay Magaalada London Ka Qabsoontay Xaflad aad iyo aad uu Qurux Badan  oo ay marti ku ahaayeen dhamaan Tageerayaasha Qurba-jooga Beesha Ciise Muuse ee Xisbiga Kulmiye ee Ingiriiska , Munaasibadda oo ahayd mid aad Ballaadhan oo Bilan, isla-markaana jawiga ay ku dhacday ahaa mid aad u fiicnaa.Waxaa ka soo qeyb-galay marti sharaf fara-Badan oo ka soo kala kicitimay Goboladda Wadankan Ingiriiska.

Shirkan ayaa waxaa soo Qaban-qaabiyey, Waxgaradka, Aqoon-Yahanka Iyo Hal-Doorka Qurba-jooga Ingiriiska ee Beesha Ciise Muuse (Tageerayaasha Xisbiga Kulmiye) , isla-markaana Beeshaasi ayaa Taageero Mug Iyo Miisaan Leh U Muujisay Xisbiga Tallada Haya Ee Kulmiye Iyo Murashaxiintiisa Muuse Biixi Cabdi & Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismail Saylici 

Xafladaasi oo laga jeediyay khudbado ku arooraayay taariikhda Xisbiga KULMIYE, guulihii uu gaadhay iyo sidii xisbigu marlabaad u guulaysan lahaa: waxaa laga jeediyey khudbaddo badan gaar ahaana  Masuuliyiintii ka soo qayb-gashay. Iyaddoo si gaara loogu mahad-naqay: Aqoonyahan Cabdi Jaamac Yuusuf oo qayb weyn oo lixaadleh ka qaatay hawsha xafladda xalay.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Laanta UK Md. Xariir Xirsi Adar oo shirka lagu marti-qaaday ,isaga iyo xubno kale oo gudida fulinta kulmiye (UK) ka tirsan . Gudoomiye Xariir Oo halkaasi ka hadlay ayaa soo Dhaweeyay shirka Tageerayaasha Beesha Ciise Muuse ee Xisbiga kulmiye ee Dalka Ingiriiska iyo dadka Xafladaasi ka soo qayb galayba, isagoo sheegay in loo baahnaa shirkani iyo Sidii aynu ula Garab istaagi lahayn Xisbigeena Wakhtiga yar ee ka hadhay Ololaha Doorashooyinka 13 Nov 2017-ka iyo in la dhamaystiro hawlaha muhiimka ah ee Xisbiga Kulmiye Uk ee laynooga baahan yahay.

Waxaa odayaashii halkaasi ka hadley ka mid ahaa:-  Gudoomiyaha dhaqanka Beesha Md. Maxamed Ismaciil (Xaajiga). Gud.Ku-Xigeenka Mus-danbeedka Kulmiye(UK) , Maxamed Cabdiraxmaan.. Oday Maxamed Guuleed, Siyaasi Maxamed Daahir. Siyaasi. Mahdi O.Ducaale . Mustafe Carab. Oday Salebaan Heeliyiyo,   Aqoonyahan Abdirisaaq Maxamed, Mudane. Cali Rooble ( kana midda Musharaxiinta  U Tartamaysa Xubnaha Golaha Wakiiladda JSL), Aqoonyahan: Ayaan Xuseen Janaale Iyo Abwaan Fariid Diiriye Nur (oo Gabay Cajiib Ah Ka Tiriyey kuna saabsanaa Munaasibadda Iyo tageeradda Musharaxiinta Xisbiga Kulmiye).

Waxayna halkaasi ka sheegeen dhamaantood : Iney somaliland u baahan tahay Muj.Muuse Biixi iyo Md. Cabdiraxmaan Saylici oo ah rag wax ka qaban-kara dalkeena waana in aan taageernaa oo aan u muujinaana guddo iyo dibadba inaan taageersan nahay Xisbiga Kulmiye iyo Murashaxiintiisa ay soo xusheen.Shirka ayaa lagu shaaciyey Gudiga Wacyi Galinta Hawlaha doorashadda oo ah muraaqibiinta wadankii u tegaysa hawlaha doorashadda Xisbiga Kulmiye.

Xubnaha Gudiga Doorashadda La Magacaabay.

Engineer. Cabdi Jaamac Yuusuf . (Gudoomiye).

Fariid Diiriye Nuur.(Gud.Ku-xigeen).

Mahdi Cismaan Ducaale(Xoghaye).

Maxamed Daahir (Afhayeen).

Ayaan Xuseen Janaale (Xubin).

Siciid Nuur Xamaal (Khasnaji).

Caasha Cali Bayr. (Xubin)

dhinaca kale Siyaasi Jaamac Sugulle X. Yuusuf (Gudidda sare Kulmiye UK) ayaa ka mid ahaa Dadkii ka qayb-qaatay Dedaalkii iyo qabsoomidda shirka ka dhacay Galbeedka london ee tageerayaasha Xisbiga kulmiye.

Iyaddoo halkaasi Guryo ay ku hawl-galaan gudidda iyo tageerayaasha Kulmiye ee magaalada Hargeysa uu ugu deeqay . Mahdi Cismaan Ducaale . halka Ayaan Janaale-na ay Guri kale oo Magaaladda Berbera ku  yaalla xisbiga Kulmiye ugu deeqday. waxaana ay isla Garteen in la dedejiyo hawlaha Xisbiga iyo dhiirigelinba si  loo dardar-geliyo, ayey yidhaahdeen. hawlaha kuwa ugu muhiimsan dhinaca doorashada madaxtooyadda 13Nov. 2017, lagana shaqeeyo in si habsami leh . ay hawshaasi taariikhiga ah inoogu qabsoonto.

Isku soo wada duuboo. Taageerayaasha kulmiye ee Qurba-jooga Ciise Muuse(UK) . iyagoo ka kala yimi meelo badan oo Ingiriiska aha. ayaa waxay dhayda ka cadeeyeen inay hiil iyo hoona la garab-taagan yihiin xisbul xaakimka Kulmiye . Xafladaasina waxay ku dhamaatay guul iyo gobanimo. Iyaddoo la soo geba-gebayay Abaarihii 22:43Pm , jawi aad u wanaagsan oo farxad laga dheehanayay ayaa ka muuqday dadkii goobta iskugu yimi dhamaantood.

Waxaad hoos ka bogan doontaan sawiro .isla-markaana waxaanu idiinku balan qaadaynaa inaanu iyadoo live ah idin soo deyn doono waqti dhaw.

Adan Yusuf Elmi

London..UK

Advertisement

Ku Xayeysiiso