Shan qof Oo ku dhaawacmay Weerar Aysiidh magaalada London!!

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacmay Sabtidii weerar lagu qaaday galbeedka London, sida ay sheegeen kooxaha Gurmadku, halka bilayskuna ku dhawaaqeen in la xidhay qof la tuhunsan yahay .

Booliska ayaa sheegay inay soo gaadheen xarunta Stratford Center oo ah xarunta ganacsiga ee u dhow London Olympic Stadium, ka dib markii la soo tebiyay in koox dhallinyaro ah ay  rusheynayaan waxyaabo waxyeello leh. Waxa ay sheegeen in ay xidheen nin la tuhunsan yahay in uu ku lug lahaa weerarka.

Dhiniciisa Kooxda Gurmada ayaa ku qoray  Barta Twitter-ka kuna sheegay in ay  daweeyeen “ugu yaraan shan dhaawac”.

Weerarka Aysiidha   ayaa si xoog leh u kordhay bilihii dhawaa Tirada weerarrada ka dhacay London sannadkii hore 431 weerar ayaa a diiwaangeliyey.

Warqabadka ToggaHerer

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso