Gudaha ka Eeg: Farida Geesiyadii Badbaadisay  Nafo Ku Hoos Jira Burburkii Mexico

Magaceeda waa Farida Maantana Waa Halyeeyad Geesi ka ah Dalka Mexico Waxay Badbaadisay 52 qof  masiibo dabiiciga ah ee ka dhacday Mexico dhulgariirkii xoogganaa ee ku dhuftay waddanka Salaasadii la Soo Dhaafay.

Eyadan ayaa 7-sano jir ah waana shaqaale samatabbixinta loo tababarey  burburka, waxayna ka qaybqaadatay hawsha  iyo dadaalka samatabbixinta ee  masiibooyinka kala duwan ee dalkeeda iyo adduunka oo dhan Waa shaqaale  Ciidanka badda  Mexico ka tirsan.

 

Geesta kale waxaa ammaanay madaxweynaha  Mexico Bartiisa Twitter ku soo qoray , sidoo kale  muwaadiniinta ayaa sawirkeeda  ku dhajiyay Lacagta Dalkaasi noodhka  500-peso halkii uu ku yaalay Diego Rivera  iyaga oo u adeegsaday Sawirka loo yaqaan Photoshop ka.

 

Labadii maalmood ee la soo dhaafay Farida waxay awood u yeelatay in ay ka hesho tiro dad ah oo nool oo ka hooseeya burburkii dhismayaasha ku burburay dhulgariirkii caasimadda Mexico.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso