Doorasho Xor Iyo Xalaal Ahi Waa Danta Jamhuuriyada Somaliland:Dhaawicida Geedi Socodka Doorashaduna Waxa Ay Khatar Ku Tahay Sumcada Iyo Amniga Dalkeena.

 

Doorasho Xor Iyo Xalaal Ahi Waa Danta Jamhuuriyada Somaliland:Dhaawicida Geedi Socodka Doorashaduna Waxa Ay Khatar Ku Tahay Sumcada Iyo Amniga Dalkeena.

Jamhuuriyada Somaliland waxa ay ku soo caano maashay ku dhaqanka dimoquraadiyada iyo hirgalinta doorasho qof iyo codkii ah,kuna dhacda jawi xor iyo xalaal ah. Tani ma aha amaan aan anigu u gartay Jamhuuriyada Somaliland balse waa xaqiiqo ay ka marag furayaan bulshada Geeska Africa iyo bulsho waynta caalamkuba.

Doorashadu dariiq ayay martaa (Process),dariiqaasi fiicnaantiisa iyo xumaantiisuba waxa ay saamayn ku yeeshaan quruxda natiijada.

Hadaba,Bulshow dhagahaaga fur oo fahan weerarka lagu hayo geedi socodka nidaaamkeena doorasho taasi oo ay weerar ku soo qaadeen dalal shisheeye oo adeegsanaya xisbiyada dalkeena ka jira qaarkood.

La garay dalalka shisheeye ee cadowga ku ah dalkeena,ee maxaa kalifay xisbiyadeena qaarkood?.

Jawaabtu waxa weeyi,ka dib markii ay quus ka istaageen isugaynta codadka ay filayaan,waxa ay miciin bideen in ay weeraraan geedi socodka nidaamka doorashada.Taasi oo xisbiga Waddani si aan gabasho lahayn u weerary dhamaan daneeyayaasha doorashooyinka  fooda inagu soo haya,isagoo ooga dan leh muran galinta natiijada doorashada.

Maxaa inala gudboon bulsho ahaan?,waxa inala gudboon in aynu fahano in aanu cadawgeenu jeclayn dimoquraadiyada iyo doorashooyinka heerka aynu ka gaadhnay,ayna jecelyihiin  in ay dhacaan wax kastoo lagu curyaamin karo. Ta kale waxa inala gudboon in aynu la shaqayno haayadaha amaanka inoo qaabilsan iyo gudida doorashooyinkaba.

Dhinaca kale daneeyayaasha doorashada soo socota (Election stakeholders) waxa iyana la gudboon in ay ka fogaadaan wax wal oo wax u dhimaya wanaag geedi –socodka doorashada,noqdaana dhab ahaan iyo muqaal ahaanba qaar dhexdhexaad ah.Cidii aanu sharcigu u faasaxaynina ay faraha kala baxdo arrimaha doorashooyinka .

Waad Mahadsantihiin,

W/Q Maxamed Dahir Axmed

Advertisement

Ku Xayeysiiso