Daacish Waxay Xukuntaa in ka badan 80% Ceelasha Shidaalka ee Deir al-Zour

Wakiilka Shirkadda gaasta Suuriya ee Deir al-Zour Amin al-Hamid ayaa sheegay in inta badan saliidaha iyo gaasta gobolka Deir al-Zour ay wali gacanta ku hayaan ururka Daacish ee argagixisada.

Mar uu waramayay Wargeyska Ruushka ah ee “Novosti,” “Daacish waxay haystaa a in ka badan 80%  goobaha saliidda ee Deir al-Zour halka Ceelasha Gaasta  ku dhowaad ama dhammaanba ay xukumaan  argagixisadu.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ceelka kaliya ee saliida ah ee ay maamulaan dawladu Deir al-Zour uu yahay Ceelka  Altim,  Ceelkan ayaa soo Saara Maalintii inta u dhaxaysa  200 ilaa 300 foosto .

Hamid ayaa sheegay in xagjiriintu “si ula kac ah ayay u burburiyeen badankood oo kaabayaasha ku yaalla goobaha waaweyn ee gaaska ee Deir al-Zour.”

Wuxuu intaa ku daray in ragga hubeeysan ay qarxiyeen dhuumaha gaaska ee koonfur bari ee Deir al-Zour, oo ka yimid Conoco ilaa Homs.

 

“Ceelasha Conoco waxay soo saari kartaa qiyaastii 2 malyan Oo Litter  waana Ceelasha ugu weyn Deir al-Zour Waana Ceelka saddexaad ee ugu weyn Suuriya kahor dagaal, dib u dhiska kaabayaasha dhulka ayaa suurta gal ah, laakiin qiimeynta dhaawaca lama sameyn karo ka hor intaan la booqan goobahan, “Ayuu yidhi.

Al-Hamid wuxuu sheegay in xoraynta Ceelasha gaaska ee Deir al-Zour iyo dib-u-dhiska kaabayaasheeda ay kaalin weyn ka ciyaari karaan sii socodka korantada ee dadweynaha oo dhan ee Suuriya.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso