Gudaha Ka Eeg : Barzani: Baqdaad iyada ayaa Nagu Qasabtay In aan Qabano Aftida Shuraakadi-na Way Dhamaatay!!!

Madaxweynaha Kurdistan  Massoud Barzani Ayaa maanta  sheegay shir Jaraa`id oo uu Qabtay in aftida codbixinta la qabanayo Isniinta, Baqdaad na ay tahay ta ku khasbtay gobolka in ay qabato aftida.
Massoud Barzani ayaa carrabka ku adkeeyay in iskaashi iyo Midnimo lala galo Ciraaq uu dhamaaday isaga oo sheegay in aysan jirin iskaashi dhab ah  Ciraaq .

Barzani ayaa yidhi: “Waxaan raadiney wax badan oo aan wax uga qaban karno xaalada Baqdaad iyo beesha caalamka laakiin Baqdaad ayaa  diiday .”

Madaxweynaha ayaa sheegay  in sanad ka hor u tagay Baqdaad si uu u dalbado in la hagaajiyo isbeddelka iyo khalkhalka ku yimid  mabda’a iskaashiga.

Barzani ayaa yidhi: “Uma oggolaan doonno dagaal ka dhex qarxa Carabta ,Turkumaanka  iyo Kurdida,” isagoo ku adkeystay in uu sii wadi doono xidhiidhka walaaltinimo ee u dhexeeya saddexda qaybood.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso