Twitter-Ka oo Xidhay ilaa 300,000 Xisaab ah oo Ay ku Sheegeen in ay  kobcinayeen  Argagaxisnimo

Shirkadda Twitter-Ka  ayaa sheegtay in ay xidheen ku dhawaad ​​300 000  xisaabaad ah oo la furtay qeybtii hore ee sanadkan taasoo kor u qaadaysay argagixisada, waxayna awood u yeelatay inay joojiso  rubuc ka mid ah xisaabaadkaas ka hor inta aanay lagu daabicin fariimo ay ku qori karaan tweet-ka.
In ka yar 1% oo ka mid ah xisaabaadka ayaa loo xidhay codsi dawladeed, sida ay sheegtay shirkaddu, iyada oo 95%  sababta loo xidhay xisaabaadka  ay tahay siyaasadda faafreebka ee Twitter ee la dagaallanka Xagjirnimada.
Tallaabadani waxay raacaysaa xeerarka kormeerka gudaha ee Twitter, taas oo u oggolaanaysa in la tirtiro xisaabaadka shabakad bulsheed haddii ay kor u qaaddo argagixisanimada. Si dhakhso ahna loo sameeyo, marka la barbar dhigo xidhitaanka dalab dowladeed .
Inta badan soo gudbinta ay sameeyaan dawladaha gaar ahaan Maraykanka iyo Yurub, waxay ka hadlaan anshax xumada, oo ay ku jiraan handadaad khatar ah, kadeedid, dhiirigelinta nacaybka iyo shakhsi weerarka.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso