Suuriyaan Damcay inuu Isu Dilo Qaab aad u Cajiib badan!!!!

40-sano jir reer Suuriya ah ayaa isku dayay in uu is-dilo isaga oo qaab cajiib ah damcay inuu isu dilo, wuxuu liqay qalab biro ah ka hor inta aan loo qaadin cisbitaalka si qaliin loogu sameeyo si loo badbaadiyo.

Dhakhaatiirta Badbaadisay Ninka Suuriyaanka ah

Ninkan ayaa la keenay Cisbitaalka Qaranka ee Ladiqiya, isaga oo ka xanuunsaya caloosha, waxa laga qaaday Sawirka Xray si waxana lagu arkay Calooshiisa kooxo biraha.

Sawarkii laga Qaaday

Ilo caafimaad oo ka tirsan Cisbitaalka ayaa yidhi “howlgal caafimaad oo degdeg ah ayaa la qaaday Waxana laga Soo Saaray sagaal Xabo oo cidiyo gura ah iyo biro kale.

Cidiyo Guraha laga Soo Saaray Calooshiisa

Tani ma aha isku daygii koowaad ee noocan oo kale ah ee bukaankani ku kacay, wuxuu hore iskugu dayay inuu is dilo horraantii isla sidan oo kale se uu ku guuldareystay qalabka uu hore u liqay ee biraha ah way ka yar yaraayeen wayna ka khatar yaraayeen sida ay sheegeen ilo ku dhow isaga.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso