Senator Sanders : Sacuudigu Kama Mid ah Xulufada Maraykanka !!!!

Senator -ka Maraykanka ee Madaxbanaan, musharax hore ee doorashada madaxtinimada Maraykanka Bernie Sanders ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya aanay  xulafo la ahayn Mareykanka waxaanu u tixgeliyey dal aan dimuqraadi ahayn taageero iyo dhaqaale-na siisa  argagixisada dunida.
Wareysi uu siiyay Intersport news, Sanders ayaa ku eedeeyay Riyadh kuna sheegay in ay tahay mid aan dimuqraadi ahayn maalgalisana dugsiyada Diinta ee lagu Faafiyo  Wahaabiyada Xagjirka ah ee kicisa  nacaybka iyo karaahiyada.”sida uu hadalka u dhigay
Sanders ayaa ugu yeedhay dib u eegis in lagu sameeyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka xagga Iran iyo Saudi Arabia labadaba.

Waxa uu sheegay in uu  walaac siyaasadeed ka qabo arrimaha dibadda Iran  laakiin uu doonayo in hab cadaalad ah oo ka Maraykan-ka ku waajahaan colaadda Saudi iyo  Iran.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso