Farsamooyinka lama filaan ah ee loo isticmaalo dugsiyada iyo jaamacadaha si looga hortago Qishka

 

Maaha wax la yaab leh dagaalka lagula Jiro Qishka dugsiyada iyo jaamacadaha, laakiin  waxa la yaab leh in qaar ka mid ah xarumaha waxbarashada ay sameeyaan siyaabo  qosol leh qariibna ah si loola dagaallamo khalkhalka koritaanka ee hababka waxbarashada.

Hoos waxaa ku xusan in aan dib u eegno tiro isku day ah oo ay sameeyeen borofisar ka tirsan jaamacadaha iyo macalimiin dugsiyada si loola dagaallamo Qishka, taas oo ah wax la yaab leh.!

Macallimiinta Kuliyada Thomas College ee ku taala Antwerp, Belgium, waxay u isticmaaleen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay ula socdaan hoolalka ardayda inta ay socdaan imtixaanada si looga hortago inay isku dayaan inay Wax qishaan.

Waxa aad ku aragta sawirka waa ciidan cusub oo loo qaadanayo gobolka Bahir ee Hindida . Askarta cusub ayaa lagu qasbay in ay Bixiyaan dharkooda lana hadhaan oo qudha Dharka hoose ee Nigiska marka ay imtixaan galayaan si looga hortago wixii isku day ah ee Qish ah.

Macalimiinta Jaamacada Kayssart ee dalka Thailand ayaa ku qasbay ardayda in ay xidhaan Dabool Qarinaya Dhinacyada si ay uga hortagaan Qishka inta lagu jiro imtixaanka. Sida ka muuqata hoolka imtixaanka waxa ku jira 100 arday, Jaamacadda ayaa lagu dhaleeceeyay dabeecadan qariibka ah ee ardaydooda lagula kacay intii lagu jiray imtixaanka.

Nidaamka kormeerka Gaokao ee Shiinaha inta lagu jiro imtixaanka Aqbalka ardayda, taas oo loo arko inay yihiin qaar ka mid ah imtixaannada ugu badan ee ardaygu ku leeyahay dunida. Laga soo bilaabo 2011 shaqaaluhu waxay adeegsadeen nidaam ilaalo oo lagu ilaaliyo kamaradaha ilaalinta oo gees walba oo ka mid ah qolalka imtixaanka si ay ula socdaan in ka badan 9 milyan oo arday oo doonaya inay ku biiraan kuleejka.

Gobolka Shiinaha ee Hubei, ardayda waxaa lagu kormeeraa dugsiyada dhexe si looga hortago inay Qishaan iyaga oo ku qasbaya ardayda in ay ku qaataan imtixaanka dibadda oo ah goobta ciyaarta ee dugsiga masaafana loo dhexeeysiiyo arday kasta.

Xarunta Duulista Hawada ee Tayland ayaa ardayda sanduuqyo kartoona madaxa ka geliya iyaga oo ka hortagaya Qishka.

Macallin Fuulay albaabka fasalka si u ilaaliyo ardayda inta lagu jiro imtixaanka.

Macallimiin ku qasbey ardaydu in ay isticmaalaan sanaadiiq kartoona si ay u daboolaan madaxyadooda inta lagu jiro imtixaanka waxayna ka mamnuuceen in arday kasta uu madaxa kor ua qaado sanduuqa.

Jaamacadaha qaarkood waxay isticmaalaan qalabka baadhista waxaana lagu baadho si ay u hubiyaan ardayda ka hor inta aysan gelin qolka imtixaanka si ay u ogaadaan isku day kasta oo Qish ah.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso