Daawo: Madaxweynaha Dawlad deegaanka Somalida Ethiopia CMC Oo Xadhiga Kajaray Mashruuca Biyo-galinta Wajiga 2aad Ee Birqod, Gunagado, Dig, Marsin, Danood Iyo Gashaamo

Waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar oo kuguda jira socdaalkii lamagac baxay BBC oo lagasoo gaabiyay (biyo, baad, beer, cilmi iyo caafimaad ) oo xalay uhoyday degmada gunagado ayaa saaka uga kalahay dhanka wajiga 2aad ee mashruuca biyo-galinta dhul daaqsimeedka birqod-gunagado-marsin-danood-gaashaamo oo uu wajigiisii 1aad uu ku ekaa xarunta demada gunagado islamarkaana horay xadhiga looga jaray.

Iyadoo wajiga 2aad ee mashruucan biyogalinta dhul daaqsimeedka uu madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar xadhiga kaga jaray qabalaha dhurwaalayawga kayd biyood qaadaya 500m3 oo biyo ah. Waxayna madaxwaynaha iyo waftigiisu sii indha-indheeyeen biyo-galinta tuulada cadaadlayawga oo qayb ka ah wajiga 2aad ee mashruuca. Kadibna wuxuu waftigu kuleexday qabalaha bali-sareedo oo uusan mashruucani marin balse laga qodayo biyo-xidheen balaadhan oo qaadaya 120 milyan oo m3 iyadoo qaab-shaqeedka biyo-xidheenkan uu waftigu ubogay.

Sidoo kale, madaxwaynaha iyo waftiguu hogaaminayay ayaa kulan layeeshay shacabka qabalaha wargaadsan oo kalahadlay dhanka kaqaybqaadashada horumarka iyo nabadgelyada iyadoo ay dhamaan shacabka tuulooyinkaasi ay madaxwaynaha iyo waftigiisa si diiran ugu soo dhawaynayeen caleemo-qoyan islamarkaana kulamo lalayeelanayay.

Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftiguu hogaaminayay oo wali kuguda jira socdaalkoodii BBC ayaa sii indha-indheeyay biyo-galinta laga sameeyay qabalaha lisinmalay oo qayb ka ah mashruucani balaadhan ee biyo galinta dhul-daaqsimeedka Birqod, Gunagado, Dig, Marsin, Danoodiyo Gaashaamo. Wuxuuna waftigu ku dheelmaday xarunta degmada dig.

Iskusoo wada duuboo, mashruucan oo maraya degmooyin iyo tuulooyin tiro badan oo hoos yimada gobolada jarar, qoraxay iyo doolo ayaa waxaa kafaaiidaysan doona dad kabadan 154 kun oo qoys iyo xoolo ka badan hal milyan oo neef .waxuuna mashruucu leeyahay 36 goob biyood iyo 13 kayd biyood Wuxuuna mashruucani marayaa dhul ay baaxadiisu kabadan tahay 250km marka lagu daro leex leexadyada iyadoo miisaaniyada kubaxdayna ay gaadhayso 390 milyan oo birr. Waxaana mashruucan balaadhan lagusoo dhameeyay muda dhan 1 sano iyo badh wallow oo wax yar oo xaal xaal ah hadhanyihiin.

Advertisement

Ku Xayeysiiso