8 ku dhaawacmey Qaraxa ka Dhacay Badhtamaha magaalada Donetsk uu ku jiro wasiir

Siddeed qof ayaa ku dhaawacmay oo uu ku jiro wasiir u muuqday in la beegsanayay qarax ka dhacay badhtamaha magaalada Donetsk Sabtidii, Jamhuuriyadda Shacbiga Donetsk ee bariga Ukraine oo iyadu Kaligeed ugu dhawaaqday Madaxbanaanida.

Website ka Jamhuuriyadda ayaa lagu daabacay bayaan lagu sheegay qaraxa oo dhacay 8:30 subaxnimo xilliga maxaliga ah, waxa la beegsaday Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Donetsk ahna Wasiirka Dakhliga iyo Khidmadaha Alexander Timoviev.

 

Wasaaradda Dakhliga iyo Khidmadaha ee Jamhuuriyaddu waxay sheegtay in la qarxiyey baabuurka  Timoviev, laakiin xaaladiisu wanaagsan tahay kadib markii la daweeyey.

Qaraxa ka dib bilayska maxalliga ah ayaa xadhigay aagga.

Waxaa xusuus mudan in gobolka Donbas ee bariga Ukraine ay tan iyo 2014 khilaaf hubaysan oo u dhexeeya maamulka dhexe ee Ukraine iyo labada jamhuuriyadeed ee Donetsk  iyo Lugansk uu ka jiray labadan Jamhuuriyadood oo iyagu kaga  dhawaaqay bariga dalka Ukraine Madaxbanaani.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso