Waqooyiga Kuuriya oo kaga jawaabtay hanjabaaddii Trump: “Safarku Wuu Soconayaa Eydu ha Iska Cido”

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Waqooyiga Kuuriya Ry Yong Ho ayaa sheegay in hanjabaadii Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ee in la burburiyo Pyongyang uu ahaa ” Cida Eyga.”

“Haddii uu u maleeyo in aanu ka  cabsanayno Cida Eyga runtii waa riyadii Eyga,” Ree ayaa ka yidhi New York faalladii ugu horreysay ee ku saabsan hanjabaadda Trump ee ahayd burburinta iyo Baabiinta North Korea .

Isaga oo Hadalkiisa Sii Wata wuxuu Yidhi “Safarku wu Soconayaa   xiitaa haddii Eydu Ciyayso,” ayuu yidhi. Luqada Kuuriya, “Riyada Eygu waa qofka sakhiifka  ah ee ku hadla hadal aan micno lahayn.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Waqooyiga Kuuriya ayaa la qorsheeyay inuu ka hadlo Qaramada Midoobay Jimcaha waxaanu la kulmaya Xoghayaha Guud ee Antonio Guterich Sabtida.

 

Waqooyiga Kuuriya waxa uga qaybgala Shirka  Golaha Guud ee Qaramada Midoobay sannad walba Wasiirkooda Khaarajiga tan iyo Sanadii 2014.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso