Wadaada Buudhis-ka Myanmar oo weeraray kolonyo gargaar Loo Waday Muslimiinta Rohingya

Xukuumadda Myanmar ayaa shegtay in Khamiistii  300 Wadaada  Buudhis ​​ahi ay weerareen kolonyo Caawimo oo loo siday Rohingya bariga  gobolka Arakan waxayna isku dayayeen in ay burburiyaan waxyaabaha ay ka koobnaayeen gargaarka bani’aadamnimada ahi.
Dhacdadan ayaa dhacday habeenkii xalay ee Arakan, caasimadda Situ, sida lagu sheegay hadal ay soo saartay Lataliyaha Gobolka Aung San Suu Kyi.
Raggan Buddhist ayaa ku khasbay in ka badan 50 qof oo ka socda Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) si ay ugu wareejiyaan gargaarka uu siday Doon ay saarnaayeen xeebta badda.
Sarkaal bilays ah oo magaalada ka tirsan ayaa sheegay in ragii weerarka ku soo qaaday kolonyada Laan-Qayrta cas ay siteen Quraarada Batroolka Ka Samaysan iyo dhagxaan .
Wuxuu intaa ku daray in siddeed ka tirsan wadaada lagu qabtay laguna eedeeyey in ay ka dambeeyeen Dhacdada, Wuxuu intaa ku daray  in wax dhaawac ah aan la gaadhsiin bilayska  kolonyadana aanu soo gaadhin dhaawac sidaa u weyni.

Wadaada Buudhis-ka oo  hogaaminaya weerarada  iyo nacayb-ka  ka dhan ka ah Muslimiinta Rohingya 

Weerarkan ayaa ka tarjumaya xajmiga dhibaatada ay ku hayaan Buudhis ku  Rohingya Muslimka ah oo la kulmaya cadaadis iyo dil waxaanay u aqoonsatey Qaramada Midoobay  dadka ugu silica badan dunida.

 

Weerarkan ayaa imaanaya kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku baaqay in la joojiyo rabshadaha ka socda gobolka Arkan.
Tan iyo 25kii Agoosto, ciidamada Myanmar ayaa waday olole ballaadhan oo militeri oo ka dhan ah Muslimiinta Rohingya ee degan gobolka Arkan, waxana loo geystay dilka iyo dhaawaca kumanaan rayid ah.
421,000 oo Muslimiin ah oo deganaa gobolka galbeed ee Myanmar ayaa u Qaxay dalka la deriska ah Bangladesh  sida lagu sheegay warbixinta ugu dambeysa ee Qaramada Midoobay.
Tan iyo bilowgii ololaha millatari Dowladda Myanmar waxay si joogta ah u hor istaagtay ururrada caalamiga ah in ay  galaan gobolka Arakan iyaga oo sheegaya halis ammaan.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso