VIDEO: SOMALILAND: Maayar-ku-xigeen Farriin Qaylo-dhaan Ah Kasoo Diray Xabsi uu Muddo Toddoba Cisho Ah Ku Jiro+AKHRI Sababta Xadhigiisa:

“Golayaasha Khilaaf Wuu Dhex Maraa Qaladaadkuna Wuu Dhacaa  Laakiin Wallaahi  Sababta Intaas Le’eg Ee Xadhigayagu Wax La Arki Jirayna Maaha”

 

 

“Anigu Maayar Ku Xigeenkii Caynabo Ayaan Ahay Xilliganna Waan Xidhannahay Oo Xabsiga Dhexdiisa Ayaan Kaala Hadlayaa; Cid Arrintayada   Gashayna Illaa Hadda Ma Jirto……….Waxaan Halkan Fariin Uga Dirayaa Cid Kasta Oo Arrintayadu Khusayso Waxaan Leeyahay Toddoba Cisho Ayaanu Ku Xidhanay Sharci Darro Ee Arrintayada Wax Ha Laga Qabto”

Caynaba( Togaherer)- Guddoomiye ku xigeenkii golaha deegaanka ee degmada Caynaba ahna maayar ku xigeenkii magaalladaasi   oo toddobaadkii ina dhaafay xabsiga loo taxaabay ayaa habeenkii xalay ahaa farriin qaylo dhaan ah kasoo diray xabsiga dhexdiisa, kadib markii  gacan ka hadal dhex maray isaga iyomaayarka Caynabo oo xilligaasi deeq u qaybinayay dad danyar ah. Maayar ku xigeenka oo uu weheliyo xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ee degmadaas oo ay muddo toddoba cisho ah ku jira xabsiga magaallada Caynabo oo markii ay ciidammada amaanku  taxaabeen la hor geeyey maxakamadda gobolka Saraar balse dib loogusoo celiyey xabsiga ayaa maamulka gobolku ku eedeeyey xaallad abuur iyo arrimo ka dhan ah nidaamka dawladnimo.

Badhasaab ku-xigeenka gobolka Saraar oo Nuur Qaasim Qodax oo markii xabsiga loo taxabay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay mas’uuliyiintaasi la dagaalameen Maayarka Caynaba oo dad barakacayaal ah u qaybinaya xoolo mucaawino ah oo loogu talogalay, isaga oo Badhasaabku ku dooday in xadhigoodu  uu yahay mid sharci ah oo ka dhashay dagaal ay ku qaadeen Maayarka.

Qaylo-dhaanta Maayar kux igeenka iyo sababta xadhigiisa oo uu ka sheekeeyey

Haddaba maayar ku xigeenka xidhan oo uu weheliyo xildhibaanka kale ee la xidhan ayaa iyagu mar ay xalay farriin kasoo direen xabsiga dhexdiisa waxaa ay sheegeen in lagu tuntay xasaannadii ay lahaayeen isla markaana aanay illaa hadda sababayn Karin ujeedada xadhigooda marka laga yimaado amar ku taaglayn. Maayar ku xigeenka oo arrimahaas ka hadlayaana waxaa uu ydihi “Wallaahi anigu ma sheegi karo sababta intaas le’eg ee xadhigayaga ka dembeysa wax la arki jirayna maaha oo annagu gole deegaan baanu nahay la soodoortay, golayaashuna waa ay isku buuqaan oo khilaaf wuu dhex maraa oo arrin maamul baa laysku hayaa oo qaladaadkuna wuu dhacaa  laakiin sida immika xaalku yahay waa mid….” Sidaas ayuu yidhi maayar ku xigeenka Caynabo oo xalay cawayskii  xalay isaga iyo xildhibaan kale oo golaha deegaanka cAyanbo ka tirsani khadka telefoonka ugu warrameen telefishanka ERYAL, iyaga oo sheegay in xilligaas ay kasoo dhex hadlayaan xabsiga dhexdiisa isla markaana aan loo ogolayn inay telefoon isticmaalaan oo ay si qarsoodi ah u soo hadlayaan. Waxaanu intaa ku daray maayar ku xigeenku “anigu maayar ku xigeenkii baan ahay ninka maayarka ah ee aanu maamulkii [golaha deegaanka] wada lahayn ayaa awoodii xayuubsaday  oo inta uu dad samaystay cid u joojinwaayay. Dadkii danyarta ahaa ee wax loo qaybinayay ee aanu waxoodii gacanta ku haynayna siiyey dad kuwii loogu talo galay aan ahayn, halka aanu iskaga dhacnayna halkaas bay ahayd oo xoollo la qaybinayo oo boqol neef ah oo loogu talo galay dadka danyarta ah ee ay abaaruhu soo barakiciyeen oo meel dibad ah lagu qaybinayo ayaanu u nimi aniga iyo xildhibaanka kale [xildhibaanka la xidhan], dabadeed waxaanu ku nidhi waar waxan aad dibada ku qaybinaysaan ee dadkii loogu talo galay kuwo aan ahayn aad siinaysaan joojiya, waayo xoolaha dad jilicsan baa loogutalo galay kuwiina may qaadanayn ee qaar kale ayay ahayd, halkaasaana aanu gacan dhaafka iskaga samaynay ee meeshu xafiisna may ahayn ee  halkaas dibada ah bay ahayd”. Sidaas ayuu yidhi maayar ku xigeenka Caynabo ee xabsiga ku jiraa waxaanu intaas ku daray isaga oo sababaynaya  xadhigiisa “ sababta keentay xadhigayagu waa taas aanu kaga dhiidhinay dadkaas waxoodii la cunayo, waana markii siddeedaad ee aanu isugu nimaadno arrin noocaas ah…..aniguna hadda [xilliga waraysiga laga qaadayay] xabsiga dhexdiisa ayaan kaala hadlayaa moobilkana la iima ogolla cid arrintayada dhex gashayna illaa hadda ma jirto oo golihii deegaanka ee degmadayada labadayada xidhan mooyaane intiikalena magaallada way joogtaaye cid na dhex gashay ma hayno illaa immika, xildhibaannadii golahana toddoba ka mid ahi waxaa ay ku xeeranyihiin ninkaas [maayarka] dawladdii dhexena wuu gaadhay arrinkayagu illaa wasiirka arrimaha gudaha illaa immikana war ay soo dirtay ma hayno.”. gebogabadii waxaa uu maayar ku xigeenku farriin ka soo dhex diray xabsiga waxaanu yidhi “waxaan halkan fariin uga dirayaa cid kasta oo arrintayadu khusayso waxaan leeyahay toddoba cisho ayaanu ku xidhanay sharci darro oo aanu ku jirnaa xabsiga caynabo ee arrintayada wax ha laga qabto” ayaa uu guddoomiye ku xigeenka golaha deegaanka caynabo hadalkiisa ku soo xidhay. Intaas ka dib waxaa isaguna hadalka la wareegay oo telefishanku waraystay xildhibaanka kale ee la xidhan maayar ku xigeenka oo magaciisa la yidhaadho Xirsi Yuusuf Aadan, kaasi oo ka warramay halka xadhigoodu salka ku hayo oo uu sheegay in uu warbixinta maayar ku xigeenku bixiyey uu waafaqsanyahay”.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso