Magaca “Maxamed” oo ka mid ah 10-ka ugu sareeya magacyada ugu caansan Ingiriiska ee Loo Bixiyo Ubadka ku Dhasha

Magaca Maxamed  ayaa galay Kaalinta  siddeedaad liiska magacyada ugu caansan loona bixiyey  Caruurtii dhalatay sannadkii hore England iyo Wales.

Sida laga soo xigtay wargayska Daily Mail, magaca “Maxammed” ayaa loo bixiyey 3908 carruur ah oo sannadkii hore ku dhashay England iyo Wales.

Wargeyska ayaa intaa ku daray in magaca “Oliver” uu haysto Kaalinta ugu horeysa ee liiska waxaaana Loo Bixiyey in ka badan 6,600 oo carruur ah.

Harry” iyo “George” (labada magac oo ay sitaan amiiro ingiriis ah) ayaa ka mid ah saddexda magacyada ugu caansan.

Cilmi-baadheyaal ayaa Sheegay in Magaca Muxamed marka si loo eego waa magac lagu xisaabtamo magacanina  wuxuu noqon doonaa magaca ugu caansan England iyo Wales.

 

Magacyada gabdhaha ugu caansan Ingiriiska waa Olivia (in ka badan 5,000), Emilia (in ka badan 4.7 kun) iyo Emily (in ka badan 3.5 kun).

 

Warqabadka ToggaHerer

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso