Imaaraat-ka Carabta oo ugu Deeqay  10 Milyan oo Dollar Duufaanta “Erma” ee ku dhufatay  Florida

 Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa ugu deeqday $ 10 milyan oo doollar ah si ay uga qayb qaadato tirtirida Dhibaatadii ay reebtay Duufaanta Erma Gobolka  Florida, sidaana waxa sheegay Wargeyska The National ee ka soo baxa UAE.

“Imaaraadka Carabta waxay la jiraan dadka reer Florida ee ay saameysay Duufaanta Erma,” ayuu yidh Safiirka UAE ee Mareykanka Yousef Al Otaiba.

Lacagta waxaa loo isticmaali doonaa in lagu maalgaliyo dhismayaasha  meelaha ugu daran ee gobolka.

Duufaanta  “Erma”, oo ah duufaantii ugu xooganayd Atlantic Ocean tobankii sano ee ugu dambeeyay ugu yaraan 20 qof ayaa ku waayay noloshooda.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso