Gudaha Ka Akhri: Tuug Ku Sakhraamay Ka Dibna Seexday Guri uu islahaa Xad

Tuugo kamid ah Dadka degan magaalada Astrakhan ee Ruushka ayaa  cabay dhalo Khamriga vodka Ka dib na waxa uu seexatay guri uu doonayay  in u xado waxyaabaha yaala, Sida ay Sheegeen waaxda booliska ee Magaalada Astrakhan ee Ruushka.

Mulkiilayaasha guriga ayaa guriga ka dhex helay nin sakhraansan oo seexday fadhiga gurigooda, ayaa lagu yidhi hadalka. May Kicin Se  waxay ka baxeen guriga waxayna ugu yeedheen bilayska.

Baadhitaanka  ayaa lagu sheegay inuu jabiyay Albaabka Guriga dabadeedna wuxuu soo galey kijada isagoo raadinaya lacag, waxaanu ka heley  dhalada vodka ah.

Ninka 44 jirka ah ayaa cabbay dhalada khamriga , wuxuu cunay sausages iyo hadhuudh qasacadaysan, ka dibna wuxuu tagay qolka martida halkaas oo uu degay Fadhiga.

 

 

 

Bilayska ayaa dacwad ku soo oogay Tuuganimo ah.

Baadhitaankii bilayska ee gobolka Astrakhan ee Ruushka Dmitry Khayevov ayaa sheegay in uu dhammeeyaa baadhitaanka kiiska wuxuuna u sheegay in dacwad lagu soo oogay si loo caddeeyo xukunka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso