Amnesty International: Isbahaysiga Carabtu waxay ka gaysteen dambiyo dagaal Dalka Yemen

Amnesty International ayaa ku sheegtay warbixin cusub oo ay soo saaratay in isbahaysiga Carabta ay xadgudubyo halis ah oo sharciga caalamiga baal marsan ay ka geysten Yemen oo ay ku jiraan dembiyada dagaalka  dawlado ay kamid yihiin Maraykanka iyo Britain ay sii wadaan in ay  hub siiyaan.

 
Warbixinta ayaa shaaca ka qaaday in qarax baabiiyey dhismo la degan yahay Magaalada Sanca bishii la soo dhaafay  ay ku dhinteen 16 qof oo rayid tiro kalena ay ku dhaawacantay oo ay ka mid tahay gabadh yar  taas  oo sawirkeedu faafay ,Qunbulada lagu ridayna waxay ahayd mid uu sameeyey Maraykanku.

Buthaina oo ku dhaawacantay Duqaynta ay geysteen Carabtu Kuna Wayaday Qoyskeedii (Reuters)

Ururku waxa uu ku baaqay codsi ah in si degdeg ah loo xayiro in wax hub ah loo  isticmaali qulqulatada Yemen sidoo kale waxay  ku baaqeen in baadhitaan  dhexdhexaad ah si dhakhso ah loo sameeyo,  kuwa ka mas’uulka ah dembiyadana maxkamad caddaalad ah la soo taago.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in Isbahaysiga Carabta ayaa ka go’an tahay si joogtaynta  xadgudubyada waaweyn ee sharciga caalamiga ah ka baxsan oo ay ku jiraan dembiyada dagaalka in ka badan soddonkii bilood ee la soo dhaafay.

 

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in halkii isbahaysiga lagala  xisaabtami lahaa falalkiisa  Yemen in qaar ka mid ah dalalka muhiimka ah oo ay ku jiraan Maraykanka iyo Britain ay sii wadaan in ay bixiyaan tiro weyn oo hub ah taasii waa arin argagax ah sida laga soo xigtay hadal ururka.

Warqbadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso