Madaxwaynaha Catalonia: Wax Tanaasul ah Kala Samayn Mayno Madrid oo ku saabsan Masalada aftida!!!

Madaxweynaha dalka Catalonia Carles Pocadimon ayaa sheegay in xukuumaddiisu aysan wax tanaasul la samayn  doonin dowladda dhexe ee Madrid oo ku aadan mas`alada aftida ee ku saabsan ka madax banaanida dhulka Spain.

“Dadka reer Catalonia kama  noqonayaan aftida, waxayna isticmaali doonaan xaqooda si ay u qaataan go’aanada aftida kowda bisha Oktoobar, wax kasta oo talaabo ah oo ay qaado dowladda dhexe,” Bouchedimoun ayaa sidaasi ku sheegay maqaal lagu daabacay Wargeyska The Guardian Khamiistii.

Hogaamiyaha Catalan ayaa ugu baaqay dadka gobolka in ay isticmaalaan qaabab nabdoon oo  sarreeya si ay uga qayb qaataan habka codeynta.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay beesha caalamka in ay taageerto dawlad-goboleedka madax-bannaan  “si loo difaaco dimuqraadiyadda iyo qiimaha runta ah ee Yurub”.

 

Tobanaan kun oo reer Catalonia ah ayaa ka qeyb qaatay banaanbax ka dhacay badhtamaha magaalada Arbacadii, kadib markii baadhitaanno iyo xayiraad lagu sameeyay gobalka, si loogu taageero afti iyo Go`aanka Gooni isutaaga .

 

Mas’uuliyiinta Catalonia waxa ka go`an  in ay qabtaan aftida Oktoobar kowdeeda, taas oo dowladda dhexe ee Spain ay muujisay inay ka soo horjeedo ogolayna.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso