Diplomaasiyadii Shuuciyadu (Communist Diplomacy) Way Dhacday,ee Waddani Taa Ha Ogaado.

Diplomaasiyadii Shuuciyadu (Communist Diplomacy) Way Dhacday,ee Waddani Taa Ha Ogaado.

 

Caalamka wixii burburkii midowgii soofiyeedka ka horeeyay waxa ka shaqayn jirtay diblomaasiyad iyo xidhiidh caalam oo ku salaysan tartanka ka dhexeeya labada mabda  ee hanti goosiga (Capitalism) iyo hanti wadaaga (Communism),taasi oo ay kala wataan labadii quwadood ee reer galbeedka iyo midowgii soofiyeed. Dalal ka caalamkuna waxa ay ku kala fayshanaayeen labadaa quwadood.

Shuuciyadu waxa ay isticmaali jirtay in ay xoog (Subversion) ku meel mariso mabaadideeda sida inqilaabka  iyo xukun maroorsiga.Maamulka dhaqaalaha ee shuuciyaduna waxa uu ku dhisnaa in wax walba dawladu maamusho (command economy),

Wakhtigii shuuciyada xidhiidhka  caalamku waxa uu ahaa mid kala xidhan (Uni polar),halka uu imika ka yahay xidhiidhka caalamka mid isku furan (Multi polar).

Shuuciyadii iyo mabaadideedii waxa ay dhaceen 1991.Xidhiidhkii caalamkuna waxa uu isku badalay mid ku salaysan dano dhaqaale iyo dano siyaasadeed (Economic and Security Interest).

Caalamka ay maanta Jamhuuriyada Somaliland aqoonsiga ka raadinayso waa caalamka guulaystay ee mabda ah hantigoosiga ku dhisan(Capitalism).

Sidaa daraadeed,masuulka sida murashaxa Waddani Mudane Cabdiraxman Cirro ee ku soo toobabartay nidaamkaa shuuciga ee gabalkiisu dhacay waxa uu ka dhigan yahay sida taybkii (Typewriter),konputerku badalay,mana noqon karo masuul la qabsan kara siyaasada,diblomaasiyada iyo xidhiidhka caalamiga ee ku salaysan danaha Dhaqaale iyo Amni.

Dhinaca kale Diplomaasi buuxa yaa sheegan kara,waxa sheegan kara nin darajo sare ka haya safaarad dibadeed oo shaqaynaysa.Sida ay xaqiiqadu tahay Murashaxa Waddani waxa uu ka hayay safaarada Soomaliya ee Moscow darajo dhexe,balse markii  dawladii dhacday ayuu darajo sare ka qabtay,wakhtigaasi oo shaqadii safaaradu hoos u dhacday,shaqo dawladeedna aanay ka socon.

W/Q  Maxamed Dahir Axmed

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso