Way wada dhaceen iyo way wada gudbeen midna xal ma aha. Hassan Hussein Abdi (Haidaro)

Way wada dhaceen iyo way wada gudbeen midna xal ma aha. Hassan Hussein Abdi (Haidaro)

 

 

 

 

Waa dal aan lahayn siyaasad waxbarasho oo la raaco, taas waxa cadayn kugu filan wasiirba iman wasaaradda waxbarashada waxa uu iska odhan ardaydu yaanay dhicin, waa ay tahriibayaane ha wada gudbaan iyada oo hoos loo dhigayo heerka uu ardaygu ku gudbayo ilaa meel ardaygu ku baxo 25%, mid kale ayaa isna la magacaabi waxa uu la iman wax kale oo aad uga fog, adigu wad uun giraanta dayaca bila xisaabta ah, waa dal marna aan la dhicinba marna la wada dhaco sida hadda oo kale oo ay dhaceen tiro dhan 3500 arday imtixaanka dugsiyada sare iyo dhexe, siyaasada wasaaraddahu badana waa wasiirka iyo dadka ku dhow dhow waxa ay jecel yihiin iyo kolba waxa ku soo dhaca. Waxa la yidhi qishka ha la dabar gooyo, wasaaraddu waxa ay saartay culays badan oo dhibic yar ka noqonaya shaqada ay u xilsaarnayd in ay qabato, waxa aynu ognahay in dugsiyada hoose dhexe ee dawladu gacanta kaligeed ku haysaa ay noqdeen meel qofki afar shilin haystaa aanu ku aamini karin carruurtiisa, dugsiyada sare ee dawladu sidan waa ay ka fiican yihiin oo macalinka ka dhiga waxa soo gala labo dakhli oo ah ka wasaaraddu siiso iyo lacagta ardayda laga qaado, laakiin dugsiga hoose/dhexe marki bilaash laga dhigay si aan qorshe ahayn oo ahayd arrin wasiirki maaliyada ee Maxamed Xaashi uu kaligii si deg dega ugu dhawaaqay, tayadi waxbarashu dhulka ayay gashay mar qudha.

In kasta oo ay tahay in ardaygu dadaalo si uu guul u gaadho haddana waxa saamayn xoogan ku leh mar kasta nidaamka jira, tayada waxbarashada iyo sida wax loogu soo dhigay. Dhuuxa waxbarashada iyo nuxurkeedu waa tartanka iyo in ardaygu dhaco haddaanu dadaalin laakiin mar kasta oo arday badani dhacaan waxa dhaliishu ku soo noqonisa nidaamki waxbarashada. Haddabe su’aasha wayni waxa ay tahay arday aan si fiican waxba loo gu dhigin oo macalinki xariifka aha uu tagay dugsiyada dhiigmiiradka ah ee gaarka loo leeyahay si lacag fiican u helo, haddii haddana la yidha waxa aanu qaadina imtixaan adag oo si adag loo ilaaliyay, haddii ardaydi wada dhacdo mar qudha sida imika dhacday, guul daran muuqata yaa dhabarka loo saaraya, aniga cida guul daraysatay waxa aan u arka cida ka masuul ahayd in ardayda wax la baro, adigu siday kuula muuqata, mise waxa aynu ka dhigna waxa khaldan ka dhacay sidi sheekadi carbeed ee ahayd waxa khaldan kan dhintay oo waxa aynu canaanana maydka mise galdaloolada ayaynu qiimayna, ardayda badan ee dhacday haddii aynu iska dhaafno. Waxbarasho tayo leh, arday aan waxba qishin, imitixaan heer sare ah, iyo habraac sixid imtixaan oo adag waxa sal u ah in marka hore ardayga si fiican wax lo baro, haddii kale sheekadu waa marna fashilka aynu qarsano oo ah khiyaamo qaran marna fishilka ay muujino oo ah masuuliyad daro, waxa aan ka wada marka ardayda la iska wada gudbiyana waxa ay ahayd arday iyo ummad been loo sheegay oo cilmi aanay baran lagu yidhi si fiican baad u barateen, ta maanta dhacday in kasta oo ay dhaanto ta hore haddana waa in la is waydiiya cida fashilka ka masuulka ah in lala xisaabtamo iyo in culayska la saaro in la dhiso tayada waxbarashada dugsiyada dawlada ee noqday meel caruurta aan si fiican waxba loogu dhigin si looga hor tago in bulshadu aakhirka noqoto dabaqado kala tagay.

Hassan Hussein Abdi (Haidaro)

Bare Sare iyo Cilmi Baadhe

Hassanhusseinhaidaro@gmail.com

+ 252 (0)634418302

Advertisement

Ku Xayeysiiso