Qurba Jooga Jaaliyada Beelaha Gabooye Ama Dan-Wadaag Ee Sweden Taageeray Xisbiga Midnimada Cadaalada Iyo Horumarka Ee Xisbiga Kulmiye

Qurba Jooga Jaaliyada Beelaha Gabooye Ama Dan-Wadaag Ee Sweden Taageeray Xisbiga Midnimada Cadaalada Iyo Horumarka Ee Xisbiga Kulmiye

Hadii Aanu Nahay Qurba Jooga Beelaha Gabooye Ama Dan-Wadaag Ee Jaaliyada Sweden Ee Qaaradda Yurub, Waxaan Tageersanahay Baaqyada Ka Soo Baxay Cuqaasha Aqoonyahanadda, Waxgaradka, Siyaasiyiinta Iyo Dhalinyaradda Ka Soo Jeedda Beelaha Dan-Wadaag Ama Gabooye Shirarkii Balaadhnaa Oo Ay Ku Yeesheen Magaalooyinka Hargeysa, Gabiley, Borame, Ceerigaabo Iyo Burco. Isla Markaana Ay Ku Muujiyeen Taageeradii Ay Horeba Ugu Hayeen Xisbiga Kulmiye Oo Ay Caddeeyeen In Aanay Waxba Iska Bedelin Beeluhuna Ay Ka Midaysan Yihiin Taageeradaasi Ay Awalba U Hayeen Xisbiga Iyo Xukuumadiisaba, Waxaanu Halkan Taageero Iyo Baaqaba Uga Diraynaa Xisbiga Midnimada Cadaalada Iyo Horumarka Ee Xisbiga Kulmiye , Barnaamijkiisa Siyaasadeedka Cusub Ee Xisbiga Kulmiye 2017-2022, Oo Aan Isleenahay Waxqbadka Wanagsan Baa Noogu Jira Barnaamij Siyaadeedka Iyadoo Uu Caddeeyay Waxyahaba Ka Maqan Beelaha Laga Tirade Badan Yahay Iyo Kaalinta Ay Ka Jiraan Ka Qayb Galka Siyaasada Iyo Golayaasha Qaranka , Waxaan Leenahay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Wax Badan Bay Qabtay Beelaha Laga Tirade Badan Yahay Xisbulk Xaakimka Kulmiye Mudadii Madawexweyne Siilaanyo Talada Dalka Hayay, Inta Kale Ee Naga Dhiman Waxaanu Ka Rajaynaynaa Inay Dhammaystiraan, Waxaanu Xusaynaa Inay Taageeradaydu Wax-Weyn Ka Tari Doono Hayaanka Xisbiga Kulmiye Ugu Jiro Inuu Mar Labaad Talada Dalka Ku Guulaysto

Waxaan Leenahay Xisbiga Waddani Waxa Ay Galeen Hawlo Dhaqanka Iyo Siyaasad Ka Baxsan Shaqadii Siyaasada Ee Loo Igmaday, Maadaama Kooxda Waddani Ka Mid Ahi Ay Gashay Hawlo Ka Baxsan Shaqadoodii, Sidoo Kalena Uu Baal Marsan Yahay Nidaamka Asxaabta Badan (Multi Party System) Ee Aynu Qaadanay Kaasi Oo Lagu Doonayo In Aynu Kaga Baxno Qabyaalada, Ta-Kale Shaqadani Ay Gashay Qoladda Sheegata Waddani , Waxaad Moodaa Inay Caaddo U Noqotay Iyo Inay Ku Jahawareerto Meel Ayna Waxba U Oolin, Waxaanan Kula Talin Lahaa In Aad Noqotaan Xisbi Qaran, Waxaanan Leeyahay Waxaad Ku Jirtaan Shaqo Aydun Lahayn Ee Waad Guuleysteen. Iska Saara Siyaasad Xumadda Oo Hawlaha Beelaha Dhexdooda Haku Milmina Si Kalsooni Ku Dheehan Tahayna Ula Tartama Xisbiyada Kale Ee Qaranka Ee Idinla Tartamaysa. Waxa Aan Leeyahay Sumcadii Xisbi Qaran Meelbaad Kaga Dhacdeen,Sharaf Darana Waad U Horseedeen Milgihii Iyo Sharaftii Qaranku Lahaa Iyo Midnimada Qaranka Isagun Lahaa ,
Sidaas Darteed, Waxaanu Cidkasta Halkan Uga Cadaynaynaa Inay Beelaha Gabooye Ama Dan-Wadaag Ka Mid Yihiin Xisbiga Kulmiye, Isla-Markaana Ay Weli Halkooddii Ku Neg Yihiin Meel Ay Ugu Guureena Ma Jirto Ama Meel Ay U Hayaameen.

Anagoo Isku Duuban Oo Isku Dhan, Suldaanka Guud, Cuqaashayada, Waxgaradka Siyaasiyiintayada Iyo Qurba-Joogayaguba Dhamaan Waxa Aanu Taageersanahay Si Buuxda U Codkayaga Diyaar Ula Nahay Xisbiga Kulmiye Dedaal Badan Iyo Tacab Badan Ayaa Naga Galay Ma Jirto Beeshu Meel Ay U Digo Rogatay. Xisbiga Waddani Waxaan Idiin Sheegayaa Maalinta Ay Doorashadu Dhacayso Ee Codka La Bixinayo Ayuun Bay Xaaladdu Kala Cadaan Doontaa, Lana Baran Doonaa Beelaha Gabooye Ama Dan-Wadaag.

Wa Bilaahi Tawfiiq;

Gudoomiyaha Qurba Jooga Jaaliyada Beelaha Gabooye ama Dan-wadaag Ee Sweden
Jama Xayd
Sweden/ Stockholm
Jamacxayd@Hotmail.Com

Advertisement

Ku Xayeysiiso