Maxaa Ka Khaldan Doodaha Xisbiga Waddani? Qaybtii Shanaad

 

Maxaa Ka Khaldan Doodaha Xisbiga Waddani?

Qaybtii Shanaad

  1. Waddani waxa  uu sheegay dalku in uu xaalad adag ku jiro cidii sababtay xaaladaa adagina  aanay  ka saari karin. Sidaa waxa yidhi Xirsi oo ka mid ah hogaanka sare ee xisbiga Waddani,waxase uu ilaabay in raga uu isagu ka mid ka yahay ee Waddani maanta la joogaa  ay kala haysteen wasaaradaha awoodaha iyo dhaqaalaha badan sida Wasaarada madaxtooyada,waxbarashada,arrimaha gudaha,arrimaha dibada,cadaalada iyo hawlaha guud  muddo ka badan shan sanno,halka murashaxa Waddanina haystay golaha sharci dajinta 13 sanno ee u danbeeyay.Markaa waanu kula qaadanay Mudane Xirsi in adiga iyo Murashaxaagu toona aanay xaaladaa aad sheegtay inaga saari karin waayo mudadaa aad ka hadlaysay idinkaa hayay midida daabkeeda.
  2. Waddani  waxa uu ugu yeedhay  madax dhaqameedka galbeedka Hargeisa  saraakiishii  deegaankaa  ka soo jeeday ee xisbigiisa ka tirsanayd sida Xamarje,Axmed Jaambir iyo Abiib timacad,ka dib saraakiil kale oo deegaanka bariga burco ka soo jeedana waxa uu yidhi waxa aad tihiin madax dhaqameedkii bariga burco,markaa filin matala la yidhaa madax dhaqameedkii galbeedka Hargeisa oo taageero  u waydiinaya Xisbiga Waddani madax dhaqameedka bariga burco. Dooda Waddani ee siyaasiyiinta ku jira xisbigiisa madax dhaqameed ku sheegaysaa waa ay jabantahay waana been abuur.
  3. Dhinaca kale Waddani Burco waxa uu kaga hadaaqayaa qabyaaladu ha dhacdo,hadana Borama ayuu kolanyo salaadiin ka soo jeeda deegaanka Cirro u diray,si ay taageero ugu waydiiyaan madax dhaqameedka gobalkaasi,taasina waa siyaasad iska hor imanaysa.
  4. Murashaxa Waddani waxa uu ku dooday in uu siyaasada arrimaha dibada kaga fiicanyahay dhigiisa Kulmiye,waxana uu qiray in murashax Kulmiye kaga fiican yahay siyaasada arrimaha gudaha. Mudane Cirro doodiisa waxa jabinaya marka la eegayo labadaa siyaasadood kee ka kale saamayn ku leh(Cause and Effect Relationship).Siyaasada arrimaha dibada waxa saldhig u ah siyaasada arrimaha gudaha.Tusaale ahaan Madaxwayne Cigaal allaha u naxariistee ayaa 1993 tagay Eriteria waxana uu la kulmay Madaxwaynaha Ereteriya Isias Afwerki,waxana uu waydiistay in Eriteriya aqoonsato Somaliland,balse Isias afwerki waxa uu ugu jawaabay,in Somaliland gudaheega hagaajiso,isagoo tusaale u soo qaatay in madaarka hargeisa maleeshiyo aan dawlad ka amar qaadan haysto,dalkuna maleeshiyo beeleedyo isku dilayo. Marxuum Cigaal allaha u naxariistee,taladii ayuu qaatay,waxana uu guntig u xidhay  nabadayntii iyo hub ka dhigistii Somaliland,taasi oo ilaahay ku guuleeyay.Sidaa daraadeed,cida hagaajin karta siyaasadeena arrimaha gudaha ayaa sidoo kalana siyaasada arrimaha dibada wax ka qaban karta.

W/Q  Maxamed Dahir Axmed

Advertisement

Ku Xayeysiiso