GEESIGII U GUNTADAY DALKIISA IYO HAGARDAMADA SHISHEEYE

Waxaan shaki ku jirin cidina is waydiinaynin,heerka dalkeenu kusugan yahay mudo 27 sanadood ah.Waxaan la in kiri karayn sidii u ahaa mudadii u danbaysay ee dawladii Mudane Xasan sheikh madax waynaha ka ahaa. Dalkeenu waxa uu ladaalaa dhacaayay dawladihii soomaray  hada kahor arimo aan kusoo koobaya uun sidan.

1.Amaan daro guud oo dalka ah gaar ahaan gobolada koonfureed iyo caasimada dalka MOGDISHO.

2.Musuqmaasuq xad aan lahayn,eexaysi,qaraabo kiil,lacag uruursi iyo han yari qaran.

3.Is qab qabsi Madaxwaynaha iyo raysal wasaaraha iyo baar lamaan mooshin ka dhigtay dukaan u shaqeeya oo ilmaha ay ka biishaan waxa uuga soo baxa.

4.Muuqaal aad u fool xun iyo ceeb halkii u danbaysay ah oo caalamkii laynaga fahan siiyay,iyadoo laynoo arkay in aynu nahay dad badaw ah,diin,iyo dad,iyo dal,iyo dawladnimo aan qiimahooda garanayn.sawirkaa oo sharafkii umada soomaaliyeed tirtiray.mana aha wax laynagu dulmiyay inagaa laynaga arkay oo madaxdeenii ayaa sifahaas laga arkay. soomaalidaa tiraahda “Ishiisa laga arkaa u shiisa lagu tumaa”

Hadaba ayadoo arin halkaa inoo taagan yahay,ayaa waxaa hogaankii dalka rabi u qadaray in uu qabto Mudane madaxwayne hogaamiye Maxamed Abdullahi Farmaajo.Markii mujtamac ama qoom ama umad ay is dulmido,oo dhaca iyo isdilka bato oo kala danbayn la waayo,oo madax daacad ah la waayo,oo wax la aamino la waayo,oo nabad la waayo,waa sune kowniya in markaa illaahay umadaa usoo diro Rijaal ama Rag  ka saara dhibka umadaas oo ku soo dabaala amni iyo kala danbayn.Adoo intaa maanka ku haya ayaa illaahay inoo soo saaray 8.2.2017 Geesi ah hogaamiye dhab ah waa FARMAAJO.

TILMAAN IN YAR AAN KA SOO QAATO WAX QABAD AAN LA INKIRI KARAYN EE DAWLADEENA

Mudo aad u yar oo sanadba aan dhamayn ayagoo jooga ayaa markiiba la dareemay arimo isdaba joog ah oo sixawli ah wax looga qabtay oo soomaalida wadaniga ah iyo caalamkuba layaabay noqotayna wax lagu cibro qaato waxna laga barto.Hadii aadan ahayn qof qabyaaladiista ah,hadii aadan ahayn qof xaqiir ah,xaasid ah,aragti gaaban,aan ka naxayn xanuunka ay leedahay dawlad la aantu.hadii aadan ahayn qof diidan in soomaaliya ay hesho dawlad,oo aadan shissheeye cadaw ah daba dhilif u ahayn,oo shilimaan yar aad dhaaf sanayso dadkaaga iyo dalkaagaba hee waxaad qiraysay arimahan wax qabad ee dawladan Madaxwayne uu kayahay farmaajo iyo raysal wasare khayre oo shaqada wada.waa hadii aadan ahayn sifahaas aan sheegay.

1.Dhismo hanaan dimiquraadiya oo lamid ah kii Madaxwayne Cabdirashiid Ali sharmaarke,balse kaba sii hormarsan; waxa uu doortay raysal wasaare soomaali mudo sugaysay oo ah nin kulan saday,aqoontii iyo wadaniyadii,iyo kartidii shaqo oo ah mid hor istaagay musuqmaasuqa la dagay dalka somaaliyeed dawladihii soomaray badan kooda.Madaxwayne FARMAAJO xulidaa fiican kaliya ku ma ekaan ee waxa uu u madax baneeyay shaqadiisa raysal wasaaraha si buuxda oo aan hore loo arag ahna sida saxda ah ee dawladnimo.Madaxwayne FARMAAJO waa kala yaqaan shaqadiisa iyo mida raysal wasaaraha iyo hay`ad walba oo dawlada ah waa jibkeeda shaqo. maha sidii madaxwayne xasan sheekh oo shaqadiisii garan waayay kadibna kala wareegay shaqiidii raysal wasaare xaqa ulahaa gabi ahaanteediiba.Tanoo sababtay  in uu kolba kii yiraahda tani waa shaqadayda jaale madaxwayne cayriyo isagoo isla quman.Maanta waxaynu haynaa hadaan lays xaasidayn soomaaliyeey Madaxwayne iyo Raysalwasaare mid walbaa haysto shaqadiisa oo aan isku xad gudbayn oo wada shaqaynaya oo dalkooda samatabixinaya.

2.Amaankii gobolada koonfureed wax wayn ayuu ka qabtay,oo meelihii ugu daraa sida shabeelada hoose ciidan buu geeyay sugay amaanka.jidkii afgooye iyo baydhabo oo isbaaro tiilay wuu ka sifeeyay,Magaalada Mogdisho oo ah xarunta dawladu ku shaqayso oo dagan tahay ahna caasimadii dalka oo muraayadii ah,waxa uu usaaray ciidamo gaara oo suga amaan keeda.bilo yar gudahood Mogdisho waxay shacabkii dareemeen waxaysan 26 sanadood arag oo ah amaan naftooda iyo maalkoodaba ah.Mogdisho maanta caasimado farabadan oo afrika ku yaal iyo aduunkaba ayay ka amaan fiicantahay. shacabkii Mogdisho daganaa gaar ahaan iyo guud ahaan soomaaliya waxay heleen fursad ay ku fakaraan,waxna ku bartaan kuna shaqaystaan.Aduunkii oo dhan baa yaabay mudo intaa la eg in caasimad 26 sanadood dagaal ku jirtay ay halmar nabadaa ku hesho!! Markaa waxaa dib loogu noqday fikirkii laga qabay soomaalida wayadan danbe waxaana tani ay sharaf wayn u tahay soomaalida oo ku amaanan.miyaanay dawladeenu mud nayn in aan ugu hanbal yayno garabna istaagno una mahad celino?

3.Musuqmaasuqii xadka dhaafay oo la xakameeyay.Xukuumada Khayre waxay soo bandhigtay barnaamij isla xisaabtamid ah iyo dakhliga dalka soo gala oo lagu ilaaliyo khasnada dawlada wixii baxayna loo ogaado si cad halka iyo sababta ay u baxeen.Hadaan lays xaqiraynin Khayre iyo wasiirkiisa maaliyada xafidullaah Dr bayle waxay qabteen nidaam iyo ladagalan musuqmaasuq heerka ugu sareeye ilaa ay gaarsiiyeen in lawaayay wax musuqmaasuq ahba taasoo ka yaabisay wadamadii reer galbeedka ilaa ay qaarkood kula kaftameen sideed sidan ku samayseen miyaydaan ahayn idinku afrikaan!? aqoon yahanadani waa rag iskala wayn dhac iyo tuugaysi waana rag wadaniyiin ah oo hadaf fogleh dalkoodana bilaya.maanta soomaali oo dhan qalbigii ayaa u dagay maadaama aynu hubno in hantidii inaga dhaxaysay ee umada soomaaliyeed ku sugantahay gacan wadani oo aamin ah. intaysan ragani iman shaqsiyaad soomaali iyo ajinabi isugu jira ayaa maamula naayay,ilaa lagaaray heer dalku galkii shaqsi maamusho!! shahaadooyinkii iyo baasaboorkii shaqsi maamusho.waxaasi hada waa dhamaadeen miyaanay ahayn guul soomaaliyeed?

4.Isqab qabsi madaxda sare oo meeshiiba kabaxay.Waxaynu hore uugu daalay oo ragaadiyay dawladihii hore is qabqabsi dhexdooda ah taasoo keentay in shacabkii lakala saftaan,kanaa saxan iyo kankalaa saxan.Tani waxay keentay in mashquul lagu noqdo dagaalkan dhex dooda ah oo la ilaawo wax ka qabashadii dalkan baa basan ee loo doortay.baar lamaankuna waxa uu ka il helay layn u qaraxsan oo uu ka faa iidayo dagaalka madaxda qaranka  ama dawlada u saraysa u dhaxeeya isagoo mid walba ka qaadaya qaaranka loo yaqaan MOOSHINKA! hadaba mooshinku waa shirkad dhaqaale oo baarlamaanku leeyahay. Madaxwayne Farmaajo iyo Raysal wasaare khayre waa laba nin oo ah hogaamiyayaal wadani ah leh is tixgalin iyo wada shaqan buuxda danta dalka,diinta,iyo dadka. waxay ka adkaadeen shaqadooda waana isku hadaf. waxay ku mashquuleen u shaqaynta iyo bad baadinta amaanka dadka iyo dalka soomaaliyeed.Mooshin leey shirkadoodii waa kacday!! waxayna isu badaleen qudhoodii oo kamuuqata inay dawlada soomaaliyeed ilaaliyaan horana loo socdo.miyaanay dawladani ahayn mid leh wada shaqayn isqab qabsi la aan? ma waxaynu la simi karaa waxaynu soo maray? miyaanay ahayn in aan illaahay ugu mahadino madaxdeenii oo sida aduunka wada shaqaynaysa? tana miyaan inkiraynaa soomaaliyeey?

5.Muuqaalka iyo aragtida guud ee soomaaliya dawladeeda laga qabay.Markii uu talada qabtay hogaamiye wadani ah geesi ah hadaf fog leh oo qaran doon ah oo ka naxaya dalkiisa iyo dadkiisa kuna faanaya oo iskula wayn dadkiisa soomaaliyeed iyo dalkiisa somaaliya,markii la arkay in uu ka garasho iyo han sareeyo lacago la aruursado oo maalmo ah,markii la arkay inuu  doonayo qaran soomaaliyeed wax kayarana aanu ku qan cayn,markii la arkay in uu doonayo in uu soo celiya karaamadii umada soomaaliyeed iyo haybadii soomaaliya ee dawladeed,markii la arkay sida dadkiisu ujecel yihiin oo ugu kalsoon yihiin guud ahaan soomaalidu ayaa nin walbaa u istaagay oo ka dalbay una soo dhigay macsuumad madax weeyne loo dhigo tan ugu sareeysa.Madaxwayne heenu in uu yahay nin buuxa oo illaahay yaqaan waxa uu safarkiisii ugu horeeyay ka bilaabay baydkii alle iyo gurigii xabiibkeena nabi muxamad caleeyhi salaam.Halkan oo ah meesha dhulka illaahay ugu karaamada iyo barakada badan. miyaynu hore u aragnay madaxwayne dadkiisu sidaa u rabaan dal iyo dibad? miyaynu hore u aragnay madaxwayne sifahan leh oo sidaa u fakaraya? miyaynu waayadan aragnay intii madax waynayaal ina soo martay madax wayne dawladaha caalamku sidaa u qadariyaan oo loo istaagayo?

Ogoow markii aduunku karaameeyo oo sidaa u sharfo FARMAAJO macnaheedu waxaa weeye dadka iyo dalka soomaaliyeed sharaf bay leeyihiin weeye amaanta iyo qadarintu inagay inoo dhacaysaa weeye.kuwii kahoreeyay sidan miyaan heli jiray? inagoon dawladeenii wali taba raysan oo aan wax wayn ba haynin ayaa sidaa laynooga haybaystay fakar maxaad u malayn markaynu istaagno dhaawaan inshaa allaah; oo dalkeena xuduudihiisa cir,bad,iyo bariba ciidankeenu gacan ku dhigo oo gaadhka ka qabto maxaad u malayn? Hadii illaahay nimco kusiiyo waa loo mahad celiyaa oo la xajistaa,madaxdeena in aan raacnaana waa waajib.masayr iyo xaasidnimo nina meel fiican gayn mayso.intaa hada karaamada ah ee soomaali ka muuqata illaahay baa ina siiyay kadib ragaa inoo kacay baa leh ee waa inaan u mahad celinaa.

GO AAN QAADASHO SIYAASADA DIBADA OO FAMAAJO DAWGEEDII MARIYAY.

Soomaaliya intii burburku jiray 26 sanadood waxay siyaasadeena dibada ahayd mid aad u liidata daka qaarna qabaanba in aysan jirinba dawlad soomaaliyeed oo inoo ilaalisay arimaha dibada doorkeena.Taabadalkeedana waxaa jiray uun arimihii dalkeena inaga soo food saara shisheeyaha in dhankeenu ahaa uun sabcan wadaacan waa yeelay sidaad wax u doonaysaan.Majirin fiiro iyo ka fakarid arimaha dawladaha shisheeye inoola yimaadeen wixii inooga aadanaa oo danta soomaaliyeed ahaa.Tusaale xasan sheekh ayaa dawlada sucuudigu ula timid in uu xiriirka u jaro dawlada IIRAAN oo markaa ay xiriir fiican leeyihiin,isma waydiin kamana fakarin ee  markiiba waa u nacamleeyay sidii cadadiisu ahayd oo cayriyay IIRAAN.wax siyaasad ah oo dalka soomaaliya dan u ah oo arinkaa ka dawlad ahaan lagu badashay haba la cayriyo iiraan ee majirin,marka laga soo tago xoogaa shilimaan ah oo lasiiyay markuu u khaadimay boqorka. Soomaalidaa tiraahda“NIN WALIBA SINJIGIISUU DHALAA IYO SUURADUU YAHAY EE”

Isla arintii ayaa dib u soo noqotay marlabaad dawladii sucuudiga ayaa hadana danteeda iyadoo eeganaysa ay isqabteen dawlada QADAR.dalwaliba waxa uu ilaashanayaa dantiisa dawladuhuna intaa waa isqabanayaan.Dawladii sucuudiga ayaa u timid dawladii soomaaliyeed oo lakulantay Madaxwayne FARMAAJO. Waxa boqorku faray in uu taageero sacuudiga oo xiriirka u ogooyo QADAR!! kadibna aduun dollar ah farqaha loo buuxin doono FARMAAJO!! Madax waynaha soomaaliya ee sharafka badan ayaa layaabay dagdaga iyo hadalka ka yimid boqortooyada ee ah anaaniyada baahsan qooqa iyo kibirka xadka dhaafay ee uu ulayimid dadka xorta ah ee soomaaliyeed!!!.

FARMAAJO caro iyo ciil buu la seexan waayay gogoshiisii,kaasoo ah sidee ku dhacday in war sadin ah loola yimaado isaga? isagoon dag dagin ayuu la tashaday madaxdiisii dalka u saraysay,kadibna waxaa lala qaatay go aankaas gobonimo oo ah in arinkaan siyaasadeed ee ay isku hayaan laba dal oo danahooda isu dagaashan barina heshiinaya in aysan soomaaliya dhex galin buuqooda aan sidaa u siiridnayn ee xirgifta ah.Waxaana la qaatay go aanka uugu haboonaa ee ah in aan lala kala safan taa badalkeeda laga gaysto talo dhex dhexaadin oo nabadayn.waxaana la go aamiyay in xiriirka labada dal sucuudiga iyo qadar uu ahaado oo kaliya kii shalay inaga dhexee yay ee iyaga iyo inagaba danta inoo wada ahaa.dhankaad urartaba waxay ku qotontaa arintani maslaxada soomaaliyeed oo ah mid hada u jilicsan danta ah ka dheeraansho khilaafka dawladaha dhisan ee is haya xulufaysigood oo tabarteen ahaynba xaladan.

Hadaba hadalka taariikhda galay ee uu ugu jawaabay Madaxwaynaheenu boqorka sucuudiga ayaa ah mid carab diiwaan gashatay oo baal dahabiya ku qoratay oo xasuus reeb ah.Madaxwayne farmaajo waxa uu yiri “WARQAD UU NINKALE II AKHIYAY WEEYE MA I RAAHDO QADAR OON WAX II DHIMIN WALLEE  CAWDA UMA GOOYO” boqorkii sucuudigu waa yaabay afkuu kala taagay!! markii khabarkii FARMAAJO loo akhriyay. kadib waxa uu yiri diiwanka galiya hadalkaan laynooga gar joogo,waxaadna yeeshaan ogaada in soomaaliya rag u kacay waana in aad taageertaan waxna la qabataan walaalaheen.

Marar badan ayaad arkaysaa innan gumeedkii iyo cado qaatayaashii calooshood la ciyaarka ahaa oo leh,sucuudiga in la racaa inoo roon waayo cuntaan helaynaa!! Qadar xiriirka haloogooyo waayo irsaa qadaan waa yaynaa xaan ka helaynaa Qadar!! waxay iloobeen sucuudi iyo Qadar hortood ayaan noolayn,hadaan noolahay,irsi qana ILLAAHAY BAA INOO HAYA.dhulkeenuna waa barwaaqo,xoolo,bad,iyo beero.laakiin guntu ma aragto. hadaba madaxwayna heenu laba jeer buu ino faa iideeyay oo kala ah sidan

1.Xag illaahay waa ku shukrinay oo laba dal oo muslimiin ah oo is qabtay uma aynaan kala hiilin,oo halkaa danbi ayaan ka baaqsanay.

2.Dad gob ah oo aan la gadan karin baa noqonay oo leh damiir iyo sarayn ablaga soo gaar ah,anoo boqor ah sidee boqor ii amrikaraa oo ii dulaynkaraa ma hadaan dhashay sow soo jireen ma´ahi,anoo soomaali ah miyaa carab i guumaysan karaa!! maha in laysku khaldamo.mid gaan kaygii inta qaabishay shalay ayaad is tiri mindhaa soomaalidii waa is badashoo sidan bay wada tahay!!

  Xag ilaahay iyo xag dawladaha aduunkaba sharaf iyo cizi iyo karaaman ka leenahay doorkaa dawladeenu inoo qaaday.

DIGNIIN HADAAD WADANI TAHAY

Dalkeena soomaaliya waxa jira dawlado qorsheeyay in aynaan dib dambe u helin dawladnimo oo buburinaya dawlad kasta oo dhalata siday rabaan.Cadawgaas waxaa heshiis la ah kuwo calooshood la cayaar ah oo aan dan kala hayn diinta,dadka,iyo dalka soomaaliyeed iyagu waa dawlad diid. labadan oo is garab sanaya ayaa ku dhex jira dawlada dhexdeeda,shacabka dhexdiisa,baarlamaanka dhexdiisa.Waxaa hadafkoodu yahay inay ka hortagaan oo dumiyaan aragtida madaxda dawladeena ee ah in ay dalkaan samata bixiyaan oo hirgaliyaan dawlad buuxda. cadawga iskaa shaday had iyo jeer waxay inoo maleegayaan dhagar hadaba waxaa shacabka soomaaliyeed laga rabaa in uu indhaha furo oo cadawga gudaha baaritaan kusameeyo kana hortago oo laga takhaluso.dawlad laysku halayn karo ayaynu maanta haysanaa aan ilaashano.hagardaamo ayuu ku hayaa cadawga iskaa shaday madax waynaheena FARMAAJO ee ogaada dadoow,waxaana lagu haystaa maxaad dawlad u dhisaysaa?dawlad kaa danbaysa oo ku dhaxasha in soomaaliya ay hesho ma xaad u dhisi?.dawlado ayaa cabsi wayn ka qaba in soomaaliya oo cagaheeda ku istaagtaa ay noqonayso hormuudkii qarada afrika iyo gadh wadeenka carbeed!.

Yuusuf Omar <mashruuc5@hotmail.com>

Advertisement

Ku Xayeysiiso