Tacsi Xisbiga Kulmiye u Diraayo Geerida Marxuum Maxamed Abokor Xaaji Axmed (Dabagaale)

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE

16 Sep 2017

TACSI GUDDOOMIYE

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Ku-simaha Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga Md. Maxamed Kaahin Axmed isagoo ka wakiil ah Guddoomiyaha iyo laamaha kala duwan ee xisbiga waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Abokor Xaaji Axmed (Dabagaale)oo ku geeriyooday magaalada Shefield ee dalka Ingiriiska maanta oo taariikhdu tahay 16/09/2017.

Marxuum Maxamed Abokor Xaaji Axmed (Dabagaale) waxa uu ahaa oday reer Somaliland oo door wayn ka soo qaatay waxtarta heerarkii kala duwanaa ee dalku soo maray, si gaar ah waxa uu kaalin uga soo qaatay halgankii dib-u-xorraynta Somaliland oo uu ka mid ahaa qurba-joogtii ka taageeri jirtay waddamada Carabta.

Guddoomiye-ku-xigeenku waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso