Ninkii Boqorka Wanaagsan Ee Maxbuuska Ahaa Khiyaamay Ee Ficilkii Camalkiisu ki Markhaati Noqday

Ninkii Boqarka Wanaagsan Ee Maxbuuska Ahaa Khiyaamay  Ee Ficilkii Camalkiisu Ku  Markhaati Noqday W/Q: Cabdiwali Cali Ismaaciil

Makhluuqa Aadamaha ee  Dunida korkiisa ku kala nool, waxaan laga waayin Taariikho iyo Mahadhooyin laga guntay Xukuno Boqortooyo kuwa Arxanlaawayaala ama dhagar qabayaal hogaamin jireen , kuwo Caadil iyo Xukun Sinaan iyo Caddaalad ku dhisan umaddaha ay madaxda u ahaayeen ku dhaqi jiray, hadaba Boqor ka mida dadkii wanaagsanaa isla markaana umaddii uu Xukunka u hayey u naxariis badnaa, ayaa waxa bari baryaha ka mida soo weeraray boqortooyo kale oo nin Saaxibul Caqli ahi hogaamin jiray oo ka Itaal iyo Ciidan iyo Cuduba rooneyd Boqorka Wanaagsanaa, ciidankiisii waa la jabiyey waana la baabiyey oo la xasuuqay iyada oo wax firxad noqday oo deegaano kale u kala cararay ay noqdeen.

Ka dib markii uu Burbur iyo Baabah laga dhigay Boqortooyadii Boqorka Wanaagsani maamuli jiray ee Boqortooyadda kale ku soo duurashay, waxa la soo qabtay Boqorkii wanaagsanaa ee Xukunkiisa la burburiyey iyo nin boqortooyadiisa ka mid ahaa, ka dib markii Boqorka iyo Ninka la qabtay ayaa lagu yidhi ninkii Boqorka ahaa waar kumaad tahay intaanu jawaabin ayuu ninkii la socday ee la la qabtay soo booday oo sheegtay magacii Boqorka markaasu yidhi “Waar horta aniga ayaa ka mudan oo Boqor hebel Hebel ah ee I dhegaysta” ka dib haf ayaa la la yidhi waxaana sido kale la raaciyey Boqorkii rasmiga ahaa ee uuu magaciisa sheegtay, waxaana uu Boqorkii ninkii magaciisa sheegtay ku yidhi “waar hada camalkaaguba waa ku sheegi doona”.

Inta ka dib waxa la yidh Boqorka (Ninka magaca boqorka sheegtay) iyo ninkan la socda (Boqorkii magaciisa ninku sheegtay), waxa la yidhi maadama oo ay reer Boqor yihiin Xabsiga Boqortooyadda ha lagu xidho, Xabsiga lagu xidhay maaha mid shicibka loogu talo galay oo guri Jiif aad u fiican iyo Miis cunto madax loogu talo galay ayaa ay ka heleen, ka dib Boqorkii ay Boqortooyaddiisu wax soo weerartay ee Maxbuuska loo ahaa, ayaa yidhi qaarka mida Askartiisii waxaad la socotaan dhaq dhaqaaqa labada nin gaar ahaan qaabka ay u cuntaynayaan marka Raashinka la siiyo iyo qaabka ay u Cuntaynayaan, ka dibna warbixinta ha lay keeno si aan u ogaado in ninkan sheegtay Boqorkii aynu boqortooyadiisa baabi’inay in uu yahay iyo in kale si aynu u xaqiijino, sababtuna wax kale maaha ee waxa la yaqaanay oo ay warbixinteeda hayeen qaabka uu Boqorku wax u cuni jiray iyo qaabka uu u Jiifsan jiray Hurdada.

Ka dib labadii nin ee Maxbuusyadda ahaa, markii Cuntaddii loo keenay sidii lagu balansanaa waxa u kuur galay hab dhaqankooda Askartii khaaska ahayd ee loo diray, waxa dhacday Ileen Abu Jeernin isma qariyee sidii caadada ahayd ninkii boqorka in uu yahay Boqorka Sheegtay cuntadii waa iska hafleeyey oo Nidaam boqor wax uma cunin, halka Boqorkii magaciisa la sheegtay uu markiiba Maradii cuntada la soo raaciyey laabta Saartay habkii Biritikoolka Boqorlahaana cuntadii Miiska loo saaray u cunahay, inta ka dib waxa loo sii kuurgalay qaabkii ay labada nin u kala Jiifsadeen markii Hurdada la gaadhay, halkaana waxay noqdeen Nin Seexday iyo Boqor Seexday wixii laga filaayey ayaana ka muuqday meeshi.

Ka dib nimankii oo yaaban, ayaa u tegay Boqorkii Jawaabta ka sugaayey, waxaanay u laqimeen Warbixintii iyo Hab dhaqankii labada nin ay ku soo kala arkeen, ka dib Boqorkii ayaa u yeedhay, waxaana uu aragti Kurka kaga jaray Ninkii Boqorka sheegtay, ninkii kale ee Boqorka ahaan jiray ee Maxbuuska noqday ayuu ku yidhi Boqoroow maxaad isku qarisay ee aad ninka magacaaga sheegtay uga yeeshay, ka dib waxa uu ugu jawaabay “Waxaan ku idhi markii uu magacayga ku xaadiray waar hada Ficilkaaguba waa ku sheegi”kkkkkk, ka dib Boqorkii ayaa yidhi “Waxaad tahay  Boqor hadii ay cidi Boqor tahay, sidaana waxa uu ugu celiyey Xoriyadiisii iyo Boqortooyaddiisii uu ka talin jiray inta uu ciidamo raaciyey deegaankiisii geeya uu ka talin jiray”

Qalinkii: Suxufi Cabdiwali Cali Ismaaciil

Eimail: Abdiwali1991@gmail.com

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso