Nin aan la Aqoonsan oo Laba Haween Ku weeraray Madaraq Bariga Wadanka Faransiiska

Laba haween ah ayaa maanta ku dhaawacmay markii Nin aan la garaneynin la dhex qaaday Madaraq  magaalada Chalon-sur-Saone  ee bariga Faransiiska sida ay xaqiijiyeen Madaxda Maxaliga ah ee Deegaanka.

Xeer-ilaaliyaha maxalliga ah ayaa sheegay in dad goob jooga ahaa  beerta dadweynaha ee badhtamaha magaalada ayaa maqleen qaylada ninka weerarka geystay oo ku dhawaaqaya “Allahu Akbar” ka dibna uu la dhacay dumarka iyada oo dhaawacoodii loo qaaday isbitaalka xaaladooduna maaha mid khatar ah.

Xeer ilaaliyaha  ayaa sheegay in ay dhacdada ula macaamilayaan  weerar argagixiso oo suura gal ah, laakiin waxaa suuragal ah in Ninka weerarka geystay uu maskixiyan u bukay taasna ayna meesha ka saarayn.

Bilayska ayaa sheegay in dambiiluhu baxsaday illaa haddana aan la hayn.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso