Maxaa kaaga baxay xaalada mujtamaceenu ku sugnaa maalmahan uu qaadku kala go,ay iyo maalmihii ay qaadka soo raranayeen

Sidaynu lawada socono qaadkii shalay iyo maantaba wuu kala go,ay  , inta yaree soo gashana lacag badanbaa lagu iibsanayay .

 

Hadaba qaali garoobida qaadku qaali garoobay , dadkii balwadan lahaa saddex ayay u qaybsameen .

 

1 qaar dawlada ka tirsan  ama madax a ahaadaan ,  ama  xildhibaano ha ahaadaan  , ama qaar kaloo kasii hooseeyaba ha,ahaadaane  kuwaasoo si kaste oo uu u qaali garoobaba doolar la garab taagan inay helaan oo ku iibsanaya lacagta hooyada hiliblayda iyo qudaarlayda laga uruuriyo oo ay ayagii ka darxumonayaan oo ay ka habeeno qadayaan lacagtaa cashuurta looga qaaday , se aan waxba loogu qaban in la burburiyo uun mooyee

 

2  qaar dibadaha lacagta looga soo diro ayaguna maalintan qaadku qaali garoobo ama kala go,o ku iibsada madaama lacagtu tahay lacag aanu I dhididin oo ay la macno yartahay

 

3 qaar ayagu iskaba dhaafa maalintan oo kale oo ka nasta markay goyn kari waayeen ,

maalintan oo kalena isla yaaba oo is garta inay ahaayeen dad waalan oo xabsi ku jiray oo macaanka nolosha ka qatanaa

 

4 kuwan ugu danbeeya waxaa weeye kuwa aan dawlada u shaqayn , lacagna aan dibada looga soo dirin kuwaasoo maalintan oo kale markuu qaadku kaco ayagu cuna qaadkan wadankeena kasoo go,a ee sida la iigu sheegay magiciisa layidhaah ( balbaleeti ) qaadkaas oo ay cadho cunaan uun ayagoo aan ka helayn sakhradii iyo mirqaankii qaadka kale uu lahaa .

 

Si kasteba ha ahaatee shalay ilaa maanta mujtamaceena waxaa laga dareemayay nolol firfircooni , farxad  , rajo , raynrayn iyo falanqayn wadata madaama mujtamaceena badankoodu ay ka nasteen qaadka .

 

Bal akhriste hadaad tahay kuwa qaadkan lagu imtixaamay iyo hadanaad ahayn  maxaad is bedel dareentay shalay ilaa maanta oo ay bishu ahayd

 

Akhriste , firfircoonidaa aynu shalay iyo maanta dareemnay bal kawaran hadii aynu helno muddo dhawr sanaa ?

Waa hubaal inaynu isbedel badan aynu dareemi lahayn oo horumar ah .

 

Cibaadadii alle ee ahayd ta sababteeda la inaloo keenay aduunyada , ayaan isbedel wayn ka dareemay shalay ilaa maanta oo ay misaajidaadii badankoodu buuxsameen madaama mujtamac badan oo shaydaanku qaadka ku mashquuliyay shalay iyo maanta jaanis ka heleen shaydaankii .

 

Sidoo kale mujtamaceena dhexdiisa iyo maqaaxiyihii ayaa farxad , raynrayn iyo waji furnaan laga dareemayay .

 

Hodheeladii ayaa badankoodu siddeedii fiidnimo xili ka horaysa cuntadu kaga dhamaatay madaama dadkeenii cunaayay qaadka ee uu ama,teedkoodii uu xidhay aanay cunin qaadkii dabadeed cuntadii si caafimaad qabta u cunay .

 

Ugu danbayn dawladayada iyo shicibkayaga waxaan leeyay qofkii inuun ka naxaya , u damaqanaya , danaynaya  masiirka bulushadeenan ku danbaynayso

Shalay iyo  maanta bal ha barbardhigo maalmihii iyo sanaddadii horee la soo dhaafay.

 

Qaadku waa aafo ee fikirkii lagu joojin lahaa , haday tahay dawlad iyo shacaba aynu keeno , hadii aynaan dayn karayn dee aynu beerano oo kumanaankaa kun ee ethopia maalin kaste u xaroonaya wadankeena ha gasho , walee in isbadal la dareemi doono sannadadan soo socda

Aynu u hiilino dalkeena iyo qarankeena

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso