Gudaha Ka Eeg :Faahfaahin Ku Saabsan Wafti Ka Socda Beelaha Dhulbahante Oo Ku Sugan Hargaysa + Isbahaysi Siyaasadeed Oo Laga Unkayo Hargaysa .

 

Waxaa magaalada Hargaysa ku sugan Madax-dhaqameed miisaan leh oo isugu jiraa Cuqaal, Garaado iyo Odayaal kuwaas oo ka soo jeeda Beelaha Dhulbahante .

Waxaa ujeedada socdaalkoodu ku tacalluqa isbahaysi Siyaaseed oo cusub oo laga unkayo Magaalada Hargaysa, kaas oo koobnaan doonaa, Beelaha Dhulbahante, Habar-jeclo, Ciidagale iyo Beelo kale oo Somaliland ah .

Waxaana Maalintii khamiistii kulan qado ah oo hordhaca wada qaatay Waftiga ka socda Beelaha Dhulbahante iyo Beelaha Ciidagale kaas oo ka qabsoomay hotel Xaraf ee Hargaysa, Waxaan kulankaasi uu ahaa hor dhac, iyadoo loo ballamay kulamo kale .

Waxaa Maanta oo jimce ahna kulan kale isugu yimid Beelaha Dhulbahante iyo Beelaha Habar jeclo, kaas oo ka qabsoomay hotel Hadhwanaag Ee Hargaysa .

Waxaa todobaaddada inagu soo aaddan loo ballan-sanyahay in jilbaha la is dhigo, la isguna yimaaddo kulamo-badan, ka dib la isla meel dhigo go’aamo aasaas u noqda Isbahaysi cusub oo siyaasadeed, kaas oo ay ku midoobaan Beelaha Saddexda ah ee Dhulbahante, Ciidagale,Habarjeclo iyo Beelo kale oo Somaliland ah, iyadoo dhamaan Cududda Beelahaasna lagu dhiso, laguna soo saaro Xisbiga UCID .

Xisbiga UCID Doorkan waxaa Murashaxa Madaxweyne ku Xigeen noqonayaa Siyaasi ka soo jeeda Beelaha Dhulbahante, Waana markii kowaad ee Beelaha Dhulbahante ay tartanka iyo hirdanka Siyaasadeed Ee Axsaabta ay qeyb ka noqdaan, waxaana la filayaa in talaabadani ay Wax-wayn ka baddasho Jihada Siyaasadeed Ee Somaliland, isla markana ay meesha ka baxdo saadaasha dhalanteed-ka ah ee Xisbiyada WADDANI Iyo KULMIYE ku xisaabtamayaan .

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso