Xisbiga WADDANI oo Xaflad Soo Dhaweyn ah Ku Qaabilay Siyaasiyiin iyo Wax-garad Ka Soo Jeeda Beesha Reer Caddaawe ee Ciise Muuse

Hargeysa(ToggaHerer):-Xaflad ballaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay isla mar ahaantaan Xisbiga WADDANI uu soo dhaweyn ugu sameynaayey Siyaasiyiin, Wax-garad, Aqoonyahan, Haween, Dhallinyaro iyo Madax-dhaqameed tira badan oo ka soo jeeda beelaha Reer Caddaawe ee Ciisa Muuse oo ka soo diga-rogtay Xisbiga KULMIYE isla mar ahaantaana ku soo biiray Xisbiga WADDANI, ayaa maanta ka qabsoontay hotel Maansoor ee Hargeysa.

Xafladdan oo uu ka soo qeyb-galay Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbigaasi Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi, Siyaasi Cabdillaahi Cirro, Siyaasi Ismaaciil yare, Siyaasi Abiib Timacad, Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif, Siyaasi Cabdi Haybe, Marwo Faadumo Siciid, Marwo Saado Dheer, Siyaasi Axmed Likke, Siyaasi Cali Cantar, Haween, Dhallinyaro iyo weli ba siyaasiyiinta iyo wax-garadka ku soo biiray Xisbiga WADDANI.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta, wax-garadka iyo haweenka ku soo biiray Xisbiga WADDANI ee halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantood ba sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay ku soo biiraan Xisbiga WADDANI, waxaan ay sheegeen in Xisbiga WADDANI uu yahay Xisbiga keliya ee badbaadin kara duruufaha kala duwan ee ka jira gobalka Saaxil.

Xoghayaha Maaliyadda Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in soo biiritaanka beesha reer Caddaawe ee Ciise Muuse ay tahay mid muujinaysa sida guusha Xisbiga WADDANI.

“Aniga oo ku hadlaaya afkii Xisbiga WADDANI, waxa aan ku faraxsanahay in aan maanta halkan ku soo dhaweyno oo Xaflad ugu qabano Haldoor ay hoggaminayaan Madaxdii dhaqanka, siyaasiyiin iyo aqoonyahan ka soo jeeda beesha Reer Caddaawe, aad iyo aad baan u soo dhaweynaynaa, waxaanan is lee yahay waxa ay qeyb ka noqoneysaa ama ay dhammeystir u noqonaysaa geedigii dheeraa ee Xisbigu soo maray ee maalin ba ama qolo ama kooxi ku soo biiraysay, waxaanan lee yahay haddii ay meeli bannaaneyd ama in uun ay ahayd in meel la buuxiyo waa meel ay buuxinayaan maanta ragga iyo hablaha halkan kaga soo biiray Xisbiga WADDANI, waxaanan idin lee yahay qabyo dambe oo noo hadhay ma jirto oo waad qabyo-tirteen Xisbiga.”. Ayuu yidhi Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif

Siyaasi Cabdi Haybe oo ka mid ah hoggaanka Sare ee Xisbiga WADDANI oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay uu ku faraxsan yahay in maanta ay beeshiisii kula soo biirto Xisbiga WADDANI,

“Maanta aad baan u soo dhaweynayaa beesha inagu soo biirtay, waxaanan qabaa in weli ay soconayso oo kuwani ay hormuud u yihiin kuwo kale oo tira badan oo soo socda, maanta dalku waa xayiran yahay oo badbaado ayuu u baahan yahay.”. Ayuu yidhi Siyaasi Cabdi Haybe

La taliyaha Murashaxa Madaxweynaha WADDANI ee arrimaha dibadda Marwo Faadum Siciid oo iyadu na dhankeeda hadal kooban halkaasi ka jeedisay, ayaa cod dheer ku sheegay in ay maanta ku faraxsan tahay in beeshii ay ka soo jeeday ay gebi ahaan ba soo barbar istaagaan isla mar ahaantaana ay horseed ka noqdaan isbedal rasmi ah oo dhaca dalka.

“Waxa maanta iga dhacday Ilmo badan, waxaana ay iiga dhacday in maanta tolkay, adeeraday, ilmaadeerayaashay ay maanta garabkayga taagan yihiin rag iyo dumar, farxad taas ka weynina ma jirto. Maanta waxa aan u sheegayaa dadkii Saxaafadda ka lahaa Faadumo dadkeedii meeye in maanta ay indhahooda ku arkaan oo waa kuwaas, maye dadkii lahaa Cabdi Raygal dadkiisii maye, waxa aan lee yahay waa kuwaas ee indhahu ha idin ooyaan, dadkii lahaa maye Ciise Muuse waxa aan lee yahay waa kuwaas waana la soo socdaa ee middaas oggaada.”. Faadumo Siciid

Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka WADDANI Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi oo isna halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi:-“Waxa aan soo dhaweynayaa haldoorka beesha ee maanta muujiyey karti iyo isku kalsooni ee aynu joogno Xafladdooda ay ku soo biireen Xisbiga WADDANI, mar kale aad baan u soo dhaweynayaa ragga iyo hablaha maanta aynu Xafladda u qabaneyno oo muddo fiirinaayey sida oo kale na eegaayey xaggii ay beesha u rari lahaayeen isla mar ahaantaana go’aamiyey halka ay dantu ugu jirto beeshu in ay tahay Xisbiga WADDANI, aad iyo aad baan idiin soo dhaweynayaa idinka ayaana Xafladda maanta leh, waxa aan idin lee yahay guuleysta, waanan hubaa in aad qeyb weyn ka noqon doontaan guusha uu Xisbigu gaadhi doono.”.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo isna ugu dambeyntii hadlay, ayaa si weyn u soo dhaweeyey beesha ku soo biirtay Xisbiga WADDANI.

“Waxa aan u mahad-naqyaa oo aan hambalyeynayaa beeshan maanta ku soo biirtay Xisbiga WADDANI ee goballada Saaxil iyo Maroodi-jeex, waxaanan hubaa in ragga halkan ku jira ee hore uga soo qeyb-qaatay halgankii ee maanta na diyaarka u ah in ay dalkooda cod ku badbaadiyaan.”. Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan Cirro.

Advertisement

Ku Xayeysiiso