Gudaha Ka Eeg : Wadaad  Kiristaan ah oo lagu haystay Yemen oo Dhexdhexaadin Saldanada Cumaan ah lagu sii daayay 

Saldanada Cumaan ayaa  ku dhawaaqday in ay ku guuleysteen Soo Daynta  wadaad Vatican ah  oo afduub loogu Haystay Yemen iyada oo ay kala shaqeeyeen mas’uuliyiin Yemeni ahi.

Hay’adda wararka ee Cumaan ee ONA ayaa werisay in wadaadka Tom Ozonani  ee afduubka loo haystay codsi uga yimid xukuumadda Vatican-ga  Saladanda Cumaan ay ku hawlgaleen.

 

Waxayna xaqiijisay in lagu soo wareejiyay subaxnimadii Salaasada, lana keenay caasimadda Muscat si loogu celiyo Dalkiisi. faahfaahin intaa ka dheer na lama bixin.

Wakaaladuna waxay  sheegtay in Tom Ozonani uu u mahadceliyay Sultan Qaboos bin bin Said

“Wuxu kale oo u mahadnaqay  walaalihii iyo dhammaan qaraabada iyo asxaabtii ugu duceeyey  Nabadgalyo iyo  sii deynta,” ayuu yidhi Ozonani.

Cumaan may sheegin Cida uu u afduubnaa Tom Ozunani.

Xarunta warfaafinta ee Hay’adda Agaasinka Raadiyaha iyo Telefishanka ee Camaan, ayaa tidhi  “Suldanada Cumaan waxay ku guulaystay inay  soo dayso mid ka mid ah wadaaddadii lagu Haystay Yemen,” iyada oo aan faahfaahin dheeraad ah bixin.

 

Warqabadka ToggaHerer

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso