Gudaha Ka Eeg : Holland : Maxaabiista Ku Jirta Jeelashu iyaga ayaa hasta Furaayaasha Qolalkooda!!!

Maxaabiista Netherlands waxay haystaan furayaasha Qolalkooda Xabsiga  Shaqadani waxay qayb ka tahay qorshaha dib-u-habeeynta ee xabsiyada dalkaasi oo u oggolaanaya inay soo galaan kana baxaan ka hor 9:30 galabnimo.

Waxaa xusid mudan in Holland ay ku caan baxday xoriyadda, waxayna markhaati u tahay in ay hoos u dhacdo tirada maxaabiista Taas oo ka duwan dalalka kale sida Britain, Holland ayaa xidhaysa xabsiyadeeda kolba  mid.

Si kastaba ha ahaatee, ilaalada xabsigu waxay ka muujiyeen cadho siyaasadan, iyagoo sheegaya in ay aad u xaddidayso kormeerka iyo xakamaynta, ayna  soo ururinayso in sharci la mariyo dambiilayaasha lagana abaal mariyo wixii ay geysteen.

 

Marka laga reebo furayaasha maxaabiista Dordrecht, Hierhuagward, Zandam iyo Arnhem ayaa sidoo kale leh shaashad digital  ah oo ay isticmaali karaan si ay u dirtaan khudaarta iyo midhaha iyo Balamaha  maxaabiis-ta kale ama shaqaalaha xabsiga.

Laakiin ilaaliyayaashu waxay ka baqayaan xorriyadda  inay si xun u isticmaalaan sababtoo ah maxaabiista  sida ay u malaynayaan waxay qorsheynayaan qorshayaal dambi marka aanay xidhnayn lana ilaalinayn, sidaas darteed ilaaliyeyaashu waxay u gudbiyeen cabasahdooda Wasaaradda Cadaaladda.

Rob Minkes oo ah madaxa guddiga maamulka jeelka ayaa yidhi “waxa Jira Ilaalin yar Maxaabiistuna waxay sameyn karaan wax walba maadama oo aan la kormeerayn  “Waxay khatar u tahay in ay si wataan falalkooda dambi, maxaa yeelay waxay awoodeen in ay wadahadlaan waqti dheer oo aan kala go’lahayn, ka ganacsiga maandooriyahuna sidoo kale waa fududahay.”

Menkes ayaa sidoo kale sheegay in nidaamka cusub ee dib-u-habeeynta uu bilaabay in la soo bandhigo laakiin aan haysan qiimeyn ku filan oo ku saabsan saameynta iyadoo shaki laga qabo in ay horseedi doonto hoos u dhac tirada shaqaalaha xabsiyada. “Tijaabadani waxa uu ku fiday Nederland oo dhan oo soo bandhigay sida dabaylaha dabiiciga ah, laakiin wali waxaan haysanaa baadhitaan sax ah oo ku saabsan saamaynta ay ku yeelan karto maxaabiista haa  ama maya,” ayuu yidhi.

Laakiin Wasaaradda Caddaaladda ee dalka ayaa difaacday qorshaha dib-u-habeeynta, iyada oo sheegtay in ay dhiirigeliyeen maxaabiista waxayna siiyeen mas’uuliyad dheeraad ah.

Waxaa xusid mudan in hoos u dhacday tirada maxaabiista ee dalkaasi una dhiganto 11600 oo maxaabiis ah waxayna horseedday in la xidho xabsiyada dalka Qaarkood,  tirada dadka reer Netherlands bishii March ee sannadkii hore waxay gaadheen 17 milyan oo qof, sida lagu sheegay tirakoobyada  rasmiga ah ee Netherlands Bishii Sebtembar.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso