Dhaliisha Xisbiga Wadani ee Garsoorku miyaanay ifafaale u ahayn khilaafkooda natiijada Doorashada?

Dhaliisha xisbiga WADANNI ee GARSOORKU miyaanay ifafaale u ahayn khilaafkooda natiijada DOORASHADA?.

 Salaanta islaamka ka dib, waxaan aad ula yaabay hadal xisbiga Wadanni masuul ka tirsan uu ku durray dhexdhexaadnimada waaxda garsoorka dalka, gaar ahaan Gudoomiyaha Maxkamada Sare, kuna dhaliilay talaabo uu ka qaaday garsoorayaal ku dhexmilmay ololeyaasha xisbiyada Qaranka.

Annigu, lama yaabin hadalada masuulka Wadanni, oo u muuqday kuwo qofkii caqli fayow ku eega ujeedadiisa, u arkayey inay muujinayaan mowqifka Gudoomiyaha xisbiga Wadanni iyo waxa laga filli karo mustaqbalka dhow, marba haduu manta sabab la’aan u dhaleecaynayo, hay’adda Garsoorka dalka oo gudatay waajibaad ka saarnaa la xisaabtanka garsoorayaal ku gefay shuruucda dalka, balse is-weydiiyey tollow berrina maxuu samayn doonaa?

Qofka bani’aadamku gef wuu ka dhacaa, wuuna ka soo noqdaa, marka loo nasteexeeyo, ceebna maaha, sidoo kale marka la eegayo shuruucda ummaduhu dhigteen, qof kastoo ku xad-gudba, waxuu xaq u leeyahay in la siiyo digniin, ku xidhan haddba, inta culayska dembigaasi leeyahay, waa ayaan darro hadii Gudoomiyaha xisbiga Wadanni oo muddo 12 sannadood iyo dheeraad soo ahaa Gudoomiyaha Wakiiladu maanta garran waayo ama dhaliilo maxaa loo siiyey digniin, garsoorayaal ku gefay shuruucdii, halka isaga (Gudoomiyaha Wadanni) marar kala duwan oo hore loogu dulqaatay gefaf uu ka galay shuruucda iyo Dastuurka dalka, balse, hadii lagu qaadi lahaa maalinta uu ku doodi lahaa, maxaan u heli waayey digniin, sida maanta Gudoomiyaha Maxkamada Sare u siiyey garsoorayaasha.

Maanta Gudoomiyaha Wadanni waxuu is-dhigay dariiqii, ninkii 99-ka qof dilay ee caalimka intuu u yimi yidhi dembi-dhaaf ma leeyahay 99 qof ayaan dilee, ee ugu jawaabay MAYA, halkaasoo kaga dhigay ninkii 100aad uu dillo, mar haduu diiday digniinta la siiyey garsoorayaasha ku gefay shuruucdii dabarka u ahayd, oo ah talaabo caqliyan iyo sharciyan-ba uu ku hagaagsanaa Gudoomiyaha Maxkamada Sare inuu ka qaado.

Haddaba, waa halkii soomaalid hore u tidhiye, “Ninka waxa taagan aan garan, waxa soo socdana ma gartee” manta hadii Gudoomiyaha xisbiga Wadanni uu badheedh u durray shaqada iyo dhexdhexaadnimada waaxda GARSOORKA oo ah hay’adda ugu sarraysa dalke ee loola noqdo helitaanka cadaalad lagu wada qanco, miyaanay macnaheedu ahayn, BERRI-NA ma ma aqbali doono natiijada ka soo baxda DOORASHADA dhici doonta, iyo ka garnaqa MAXKAMADA SARE hadii loo baahdo, (Ilaahay Innama baddee), maadama maantaba sabab la’aan u dhaliilayo.

Waxaan kaga bixi lahaa, Gudoomiyaha Xisbiga Wadanni waxa ummadu uga fadhidaa inuu caddeeyo mowqifkiisa dhexdhexaadnimada waaxda GARSOORKA oo hadii laga waayo, bulshadu mudan tahay inay ka digtoonaadaan u hibaynta codadkooda masuul isku hallayntiisa cadaalad laga helo mustaqbalka mugdi ku jiro, haduu maantaba shaki gelinayo nidaam saxxan oo waaxda garsoorku ku talaabsatay.

Maxamuud Cali Sh. Maxamed (Walaaleeye).

Advertisement

Ku Xayeysiiso