Gudaha Ka Eeg : Askari Israeli ah Oo toogtay Wiil reer Falastiin ah bariga Hebron

Ciidamada Israel ayaa toogtay Wiil Falastiini ah oo isku dayay in uu fuliyo weerar Tooriyeyn ah meel u dhow magaalada Kiryat Arba ee bariga Hebron.

Afhayeen u hadlay ciidamada booliska ayaa sheegay in wiilkaasi ku soo dhawaaday Xarunta Basaska meel u dhaw Yuhuuda la deegaameeyey waxaana la sheegay inay ka shakiyeen wiilka , waxaanay ugu yeedheen askari ka ag dhawaa xaafada wiilkuna wuxuu la soo baxay Mindi ka dibna askriga ayaa toogtay.

Wakaaladda wararka Maca ayaa ka soo xigatay ilo xogogaal ah oo sheegaya in wiilka 15-jirka ah uu ahaa qof deggan magaalada Sa’iri waqooyi ee Hebron, isaga oo intaa ku daray in xaaladdiisa meel dhexaad tahay.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP, ciidamada Isra’il ayaa xidhay aagga wax ka dhaceen waxayna hakiyeen dhaqdhaqaaqa gawaadhida.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso