Maqaar -Saar : Gabay Cusub oo ka hadlay Xasuuqa Muslimiinta Burma

MAQAAR-SAAR: Gabay cusub oo ka

hadlaya Xasuuqa Muslimiinta dalka Burma

Gabayga Maqaar-saar waa gabay cusub oo ka hadlaya xasuuqa ba’an ee lagu hayo Muslimiinta dalka Burma, iyo siday dhacdadan uga aamusanyihiin madaxda muslimiintu marka laga reebo, madaxwaynaha turkiga, Rajab Dayib Ordugaan, gabaygana waxa tiriyayAbwaan Cabdiraxmaan Xiirey. Gabayguna wuxu soo baxay 12/9/2017, wuxuuna ku bilaabmayaa;

·         Adduunyada caddaan iyo madoow maanta waxa jooga

·         Maqal iyo intaan arag mugsaday anigu maankayga

·         Muslimiinta miisaan markaan saaray madaxdooda

·         Maqaar-saar intii kale noqdiyo sida mayeedhaane

·         Ummaddooda uma muujiyaan hiil ciddii mudane

·         Anoon toyan musiibiyo dhib hore looga murugooday

·         Berma weeye maraggaan hayaa mahadhadaa taalle           

·         Muusannowga maatada la gubay maydka tiro beelay

·         Dadku sida murmurihii kufrigu muqumadaynaayo

·         Ee miciin walaaluhu taraan magane doonaaya

·         Manfac kalaba daa hadalna way kaga masuugeene!

·         Haddii aanay meeshooda gabin kama muquurteene

·         Ragna bowdadoo qaawan muday midiba jeerkiiye

·         Inla midha midhaystaa dhacdoon cidi u muusoone

·         Muslimiinta ficilkooda guud mooji suu yahaye

·         Mooraalka shacab kii ka dile madaxda joogtaaye

·         Ordugaan’se waa geesi mudan waliba miiggoone   

·         Wax munaasibkiisi’i si fudud ugama meeraane

·         Maalkiyo afkana wuu huraa maalintii darane

·         Masaakiin rag laayey shihiid magac ku siiyaane

·         Isagaa mujaahida haddaan lagu murmayn beene

·         Madi buu hoggaankana ku yahay cidi mataanayne

·         Allow raaji madaxiisa uu mahad ku noolaado

·         Muslim kana dhibaatada ka bixi maalik baad tahaye.

Aamiin, aamiin, aamiin.

 Cabdiraxmaan Xiiray

Advertisement

Ku Xayeysiiso