Gudaha Ka Eeg : “Maan la kulmin Assad, mana doonayo inaan la kulmo,” Erdogan oo beeniyey in Uu La Kulmay Asad

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa beeniyay warar sheegaya inuu wadahadal qarsoodi ah la yeeshay Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad markii uu ka codsaday ra’iisal wasaaraha Ruushka Vladimir Putin.

“Maan  la kulmin Assad, mana doonayo inaan la kulmo,” ayuu Erdogan u sheegay warfidiyeenkiisa ka dib markii uu ka yimid Kazakhstan.

 

Turkiga  oo ay wehliyaan Ruushka iyo Iran  ayaa ka qaybgalay wadahadallada Suuriya ee Astana oo ah mid ka mid ah afarta damaanad qaad ah ee xabbad-joojinta.

Wadahadalka lixaad ee wadamada Syria ayaa lagu qaban doonaa Astana maalinta Khamiista iyo Jimcaha.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso