Gudaha Ka Eeg : Baarlamaanka Ciraaq Oo diidey Aftida Kurdistan.

 

Wararka ka Imanaya  Ciraaq ayaa sheegay in Golaha Baarlamaanka Ciraaq Fadhi ay isugu yimaadeen Maanta oo Salaasa ah ay ku diideen  aftida gobolka Kurdistan.

“Golaha Wakiilladu waxa ay u codeeyeen aqlabiyad fadhiga maanta si ay u diidaan aftida gobolka Kurdistan Se Xildhibaanada Kurdiyiinta kaga jiraa  ma aysan codeynin” Ayuu yidhi Ruux Magaciisa Qariyey Sababo Xaga amaanka ah.

Waxa uu intaa ku daray  “Baarlamanku wuxuu Faray  ra’iisul-wasaaraha in uu qaado dhammaan tallaabooyinka lagu  ilaalinayo midnimada Ciraaq isla markaana bilaabo wadahadal  si wax looga qabto arrimaha ka dhaxeeya Ciraaq iyo gobolka.”

Waxaa xusid mudan in xisbiyada Kurdida ay ku dhawaaqeen kulan la qabtay 7 June 2017 Aqalka looga arramiyo Kurdistan Gudoominayana madaxweynaha gobolka Kurdistan Massoud Barzani in Sebteembar 25 la qabto  aftida madaxbanaanida Gobolka uu ka qaadanayo Ciraaq Inteeda kale laakiin go’aanka waxaa diiday qaar ka mid ah dalal  badan sida United States of America, Turkey, Britain iyo Iran.

Warqabadka ToggaHerer

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso