Gudaha Ka Eeg : Barzani: Wadahadalka Baqdaad Waa Kadib aftidii kala-guurka

Erbil oo diiday codsigii ururka Jaamacadda Carabta in dib loo dhigo aftidii Gooni Isutaaga iyo Baqdaad oo ka Digtay

Madaxweynaha Kurdistan Massoud Barzani ayaa diiday dalab uga yimid Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul Gheit in dib loo dhigo aftida la qorsheeyay in la qabto 25-kii September ee Kurdistan ka dhacaysa.

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa sidoo kale waydiistay Kurdigu in uu wada hadal la furo Ciraaq ka hor inta aanay afti qaadin, laakiin Barzani ayaa u sheegay in wafdi ka socda dalka Kurdistan uu tagi doono Ciraaq ka dib aftida se Ka hor Maya.

Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa yimid magaalada Erbil oo ka yimid Baqdaad isaga oo isku dayaya dedaal lagu xaliyo dhibaatada aftida ee dhaxaysa Kurdistan iyo Ciraaq.

Dhiniciisa afhayeenka xukuumadda Ciraaq Saad al-Hadithi ayaa ku baaqay “inay horseedi karto hurin colaad iyo qalalaase ka dhaca Gobolka waxaanu ka digay suurtagalnimada abuurista fowdo nabadgelyo daro.

Al-Hadithi wuxuu sheegay in Ciraaq uu Sheegtay Erbil in midnimada Ciraaq ay tahay in la ilaaliyo, aftida na dib loo dhigo illaa iyo dhamaadka dagaalka Daacish lagula jiro Kadibna waxa suurtagal ah in la gorgortamo halkii ay abuuri Fawdo iyo kala qaybsanaan dadweynaha Gobolka iyo xaaladda amninba.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso