Diyaaradaha Dagaalka Ee Ruushka oo Dilay Madax sare oo ka Tirsan Daacish halka Tobanaan kalena Dhaawaceen..

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa ku dhawaaqday in ay dishay  40 askari oo ka tirsan ururka Daacish  oo ay ku jiraan afar ka mid ah hoggaamiyeyaasha sare ee ururka  weerar ay ku qaaday diyaarad Ruushi Deir al-Zour bariga ee Syria.
War saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhiga Ruushka” weerarkii Ruushka wuxuu keenay in la dilo afar ka mid ah hoggaamiyeyaasha ururka, oo ay ku jiraan Abu Muhammad al-Shimali, Amirkii Daacish ee Deir al-Zour Ahaana Masuulka Maaliyada .”
Wasaarada ayaa intaa ku dartay in weerarkaasi uu ku dhaawacmay Gulmerod Halimov, oo ahaa Wasiirka Warfaafinta ee ururka dhaawac halis ahina soo gaadhay.
Sida laga soo xigtay saraakiisha Ruushka, Halimov, oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Tajikistan, wuxuu xubin ka ahaa Ciidamada Gaarka ah ka hor inta uusan ku biirin Ururka Islaamiga sannadkii 2015.
Ciidamada Ruushku waxay sheegeen in diyaaradaheeda ay duqeeyeen dagaalyahannada ururka mar ay ka wadahadleen qorshe ah sidii ay uga hortagi lahaayeen ciidamada Suuriya oo guulo ka gaadhay Deir al-Zour. ”
Ururka Daacish  waxay maamulaan kala badh Deir al-Zour iyo qayb ballaadhan oo gobolka ah.
Deir al-Zour waa goobtii ugu dambaysay ee xoogaga Daacish ee Suuriya halka magaalada Raqqa oo Caasimada u ah Daacish  ay ku hareeraysan yihiin isbahaysiga Maraykanka taageero ee ciidamada Dumuqraadiga  Suuriya ee mucaaridka ah.
Waxaa weli ku jira kuna nool 93,000  oo rayid ah  deegaanada ay dowladdu maamusho ee Deir al-Zour.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso