Xog ku saabsan Myanmar Mohamoud Mohamed (caynaan)

Xog ku saabsan Myanmar:

Myanmar(horena waxaa loo odhan jiray Burma) waxay ku taalaa koonfurta bari ee qaarada Asia waxaana ku dhaqan ama ku nool in ka badan 100 qoomiyadood,waxayna xuduud lawadaagtaa wadamada ,galbeedka India iyo Bangladesh,  waqooyi  China,  bari Laos and Thailand. Caasimadeedu waa Naypyidaw, sidoo kale waxaa uu leeyahay suuq aad u weyn ,sidoo kale waxaa uu leeyahay meelo lagu nasto aad u qurux badan iyo waliba harooyin iyo dhismayaal dhaadheer oo qurxoon. Luuqada wadankan lagaga hadlaa waa Burmese, lacagtiisuna waa Burmese kyat.

Madaxweynaheedu waa gabadh layidhaa San Suu Kyi.

Dhul ahaan waxaa uu ku fadhiyaa 676,578 square kilometers.

Waxaana gumaystay ingiriiska waxaanu ka qaatay xoriya 1948.

 

Dhaqaale ahaan wadankan:

Gross domestic product( waa nidaamka ugu fiican ee lagu cabiro dhaqaale wadan ,waana  qiimaha guud waxkasta oo ay soo saaraan dadkan iyo kambaniyada ku yaala dalka) 67.43 billion USD sanadkii 2016ka .

GDP per capita : hantida uu qofku sanadkii soo gashaa waa 1,194.59 USD

Dadkeedana waxa lagu qiyaasaa  52.4 million.

GDPgrowth rate : kororka dhaqaale ee sanad laha ah waa 6.5% ( annual change).

myanmar gross national income(wax soo saarka guud ee qaranka iyo maal gashigayada debada (overseas investments ) waa 265.8 billion dollar.

 

Dhinaca  diimaha :

 

Myanmar dadkeedu waa 52 million ,90% waxay aamin sanyihiin Theravada Buddhism( qiyaas ahaana waa 48 million oo qof) , 4% Christianity (1.65 million  oo qof,Baptists iyo 550,000 Roman Catholics),

4% Islam (2.2 million), 1% Hinduism (550,000), baaqiga soo hadhayna waa 1% waxaanay ka kooban yihiin Mahayana BuddhismVajrayana Buddhism and Animism.

 

 

 

 

 

 

Canbaaraynta wadamada dadkoodu islaamka  u badan yihiin :

Myanmar waxaa soo kordhaya canbaaraynta uga imanaysa muslimiinta adduunka markii ay ku guul daraystay joojinta iyo qalalaasaha lagu hayo muslimiinta tirade yar  ee Rohingya, waxaana lagu dhigayaa daafaha dunida mudaharaadyo lagaga soo horjeedo  xasuuqaa .

Dad lagu qiyaasay in ku dhaw 123,600 Rohingya ayaa soo gaadhay ama u soo cararay wadanka ay jaarka yihiin ee Bangladesh ,iyaga oo ka soo yaacaya gobalka ay u dhasheen ee Rakhine State.

 Wadamada Malaysia, Indonesia, Bangladesh and Pakistan waxay cadaadis xoogan saareen dawlada mynamar.

Wasiirka arimaha debada ee  Malaysia wuxuu u yeedhay safiirkiisa isaga oo muujinaya warwarka uu ka qabo arintan, wasirka arimaha debada ee Indonesia wuxuu tellphoneka kala hadlay gabadha maamusha wadanka San Suu Kyi isaga oo u cadaynaya ka xumaashaha arinta ay wadaan dadkiisu ee takoorka ah.

Mohamoud503@gmail.com

+8801742097086

Mohamoud Mohamed (caynaan)

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso