Israel oo weerartay saldhig hubka kiimikada lagu Farsameeyo meel u dhaw Hama Suuriya


Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in diyaaradaha Israel ay weerar ku qaadeen saldhig millatari oo ku yaala deegaanka Masiaf ee dhaca Galbeedka Hama, saldhigaas oo loogu talagalay soo saarida hubka kiimikada .

Ciidamadda Isra’iil ayaa diiday in ay faallo ka bixiyaan warka ku saabsan Weerarka cirka ee ay ku qaadeen Suuriya , laakiin Suuriya waxay soo bandhigtay sawirro muujinaya weerarkii.

Wariye ayaa sheegay in weerarka Israel ay bartilmaameedsadeen xarun loogu talagalay soo saarista hubka iyo hubka kiimikada, hubka ay soo saartaana waa Sawaariikhda S60, kuwaas oo inta badan loo Qaado Hezbollah.

Waxa uu intaa ku daray in warshadda ama saldhiggan millatari ee bambooyinka loogu sameeyo Hezbollah Iran ay dooneysay in ay abuurto shabakad warshado ah si ay u soo saaraan gantaallo, Hezbollah na hubka u soo saara.

Waxaa xusuus mudan in xarunta ay u jirto 70 kilo miter oo keliya saldhiga milatariga Ruushka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso