Hagar Daamooyinka Iyo Dhibta Uu Muuse Biixi Ka Sameeyay Somaliland Intii Ay Jirtay Wax Yar Oo Ka Mid Ah

Asalaamu Calaykum, waxaan doonayaa maanta in aan halkan ku soo bandhigo hagardaamooyinka Muuse Biixi qaranka Somaliland u gaystay intii ay jirtay intaa aan ka xasuusto inkastoo ay badan yihiin.

Tan iyo markii lagu dhawaaqay qaranimada Jamhuuriyada Somaliland 18/05/1991 wuxuu Muuse ka mid ahaa ragii ugu dhibta iyo xasarada badnaa ee qaranka Somaliland dhaawaca weyn u gaystay, hadaba hadii aan wax yar ka soo qaato dhibaatooyinkaa iyo hagar daamoonyinkaa Muuse Biixi sameeyay, waxaan jeclahay in aan sida ay u kala horeeyeen u xuso waxana aan ku bilaabayaa sida tan

1_MAAMULKII CABDIRAXMAAN AXMED CALI:

Maamulkii Cabdiraxmaan tuur Muuse wuxuu ahaa ragii ugu horeeyay e ka hor yimi, ee waliba dagaalka iyo qorriga hore ka sii qaatay, Muuse wuxuu ahaa hormuudka abaabula dhibaatooyinkii ka dhici jiray magaalada Hargeysa, hadaba waxaa xusid mudan in Muuse soo qorsheeyay dhibaato aad u fool xumayd oo uu ku doonaayay in dagaal xun oo riiq dheeraada ka dhaco Somaliland gaar ahaan magaalada Hargeysa.

Waxaa jirtay in Muuse inamo dhalin yaro ah oo ay isku reer yihiin habeen soo abaabulay kuna yidhi caawa marka uu Cabdiraxmaan Tuur guriga ka soo baxo gaadhiga ka qaadaa kabahana ka saara oo aniga ii keena labadaba, waxaa markaa dhacday in ay inamadii uu Muuse Biixi soo diray sidii ay sameeyeen oo ay gaadhigiina ka qaadeen kabihiina ay kala baxeen, daqiiqado ka bacdi wuxuu Madaxweyne Cabdiraxmaan ku noqday gurigii madaxtooyada isaga iyo laba askari ee la socday oo uu ku yidhi waxba ha ku ridine ee uga daga gaadhiga oo lugaynayaa, ku darsoo madaxtooyada markaa waxaa joogay 150 askari oo ilaalin jiray raga uu Muuse Biixi soo dirayna waxay ahaayeen 20 inan, 

Markii ay arkeen wixii dhacay ee labadii askari u warameen ciidankii waxay qorsheeyeen inay weerar ku qaadaan ragii waxaa sameeyay oo ahaa rag la garanaayo iyo waliba cida so dirtay Madaxweyne Cabdiraxmaan ciidankii wu joojiyay waxaanu ku armay in aanay ka bixi karin xeradooda, subaxii ayuu warkii magaaladi Hargeysa wada gaadhay, waxaa u yimi odayaal iyo rag kale oo jibaysan o warka maqlay, waxay ku yidhaahdeen waa in deg deg arintaa looga jawaaba oo ragii waxaa ka danbeeyay talaabo laga qaadaa, ilaahay ha u naxariistee Cabdiraxmaan wxuu ugu jawaabay waa nin  garaadkiisu hooseeyo oo doonaya in dadkan walaalaha ahi isku dhintaane iska ilooba kan kabaha igala baxay iyo kan leh aan ku dagaalamaba waa iskugu kay mid anige ee arintaa ka baxa 

N/B: bal dadweynow is waydii hadii ayaanta uu odhan lahaa ALLA YA RAXMA Cabdiraxmaan tolaay i dagaalama Muuse maanta Musharax ma ahaan lahaa  waliba ku darsoo habeenkaa uu waxaa sameeyay AROOS ayuu ahaa Muuse Biixi

2_ MAAMULKII  MAXAMED XAAJI IBRAAHIM CIGAAL

Maamulkii Maxamed xaaji Ibraahim Muuse Biixi waxaa laga dhigay wasiirka arimaha gudaha e Somaliland, wakhtigaa uu Muuse wasiirka ahaa waxaa socotay abaabulkii hub ka dhigista, waxaana jirtay in ciidanka qaranka Somaliland lagu uruurin jiray xerada loo yaqaan Birjeex, abaabulkaas ayaa waxa jiray in la qarameeyay dhamaan ciidankii Hargeysa daganaa ee kala ahaa 10AAD, 4AAD, 5AAD,12AAD waxa markaa hadhsanaa 3AAD oo fadhiday AIRPORtka, waxaa la bilaabay wada hadal uu madax ka ahaa suldaanka guud ee Somaliland Suld MAXAMED CABDIQAADIR iyo odayaal uu ka mid ahaa Xaaji Cabdi Xusseen.

Hadaba waxaa dhacday in afartan inan oo ka mid ahaa horjoogayaashii ciidaanka 3AAD loo keenay  madaxweyne Cigaal  iyo odayaashoodii o dhamays tiran, shirna uga socday madaxtooyada gudaheeda, ayaa goor ay abaaro tahay 12:30 duhurnimo oo ay waliba shirkii ku jiraan  shirkaana waxaa kula jiray oo goob joog ka ahaa Maxamed IID DHINBIIN oo ahaa wakhtigaa wasiir ku xigeenka arimaha gudaha somaliland , ayaa waxa la maqlay sawaxankii rasaasta iyo gariirkii madaafiicda.

Waxa mar kaliya saruukacay madaxweyne Cigaal iyo odayaashi la joogay waxanay is waydiiyeen waar maxa dhacay isla markiiba CIGAAL  wuxuu diray Maxamed IID DHINBIIL oo ahaa wasiir ku xigeenka arimaha gudaha waxaanu faray inuu wasiirka arimaha gudaha ugu yeedho,  wuxuu tagay  wasaaradiii arimaha gudaha oo aanay cidi joogin shaqaalihi ayuu waydiiyay wasiirkii  loo soo diray waxay ku yidhaahdeen wa baxay o war uma hayno meel uu qabtay  Maxamed Iid  wuxuu u sii dhaafay xagaa iyo xeradii Birjeex, wuxuu ka helay Muuse Biixi o halkii fadhiya wuxu waydiiyay waxa dhacay waxa kale oo uu faray in Madaxweyne Cigaal doonayaa.

Muuse wuxu ugu jawaabay” adeer dagaalba socdo oo wadiigaa arkaayee orodoo tolkaa soo raaca meeshan waxba kuma yaalaana”  waxaa maanta la waydiin karaa Maxamed Iid dhinbiil oo hada ah gudoomiyahay xisbiga Kulmiye ee GOBOLKA MAROODI JEEX, Maxamed Iid dib ayuu u soo laabtay o u madaxtooyadii u yimi Madaxweynihiina sidii buu warkii ugu sheegay, halkaa waxxaa ku burburay waan waantii socotay waxaa bilaabmay dagaaal lagu riiqdo oo waliba riiq dheeraaday kuna dhinteen kumaan kun qof oo rayid ahi socdayna mudo sadaxx sano iyo badh ah

Waxaa intaa sii dheer  oo aad ka heli kartaa maanta YOUTUBEKA Muuse Biixi oo ALLO HA U NAXARIISTAA Madaxweyne Cigaal ku sheegaaya nin aan waligii wax wanaagsan samaynin kana codsanaya inuu is casilo.

N/B   bal hadaba dadweynow is waydii oo hadii uu maalintaa Cigaal is casili lahaa  MUUSE BIIXI maanta musharax ma ahaan lahaa kuna darsoo sharciga maanta uu Muuse isku soo sharaxay miyaanu ahayn kii uu Cigaal ku caayaayay ee uu lahaa waligii wax khayr ah muu samayn iyaba wa cibro kale.

3_MAAMULKII DAAHIR RAYAALE KAAHIN

Aminta la joogaa waa barqo taariikhdu waa 2007 shacbiga Somaliland waxay ku naaloonayaan nabad iyo caano, dalka waxaa ka dhacay sadex doorasho oo xor iyo xalaal ahaa  wax dhib ah oo dadka dhex taala ma jirto waxa la wada hadhsanayaa waa calanka Somaliland dadku waxay la jaan qaadeen nidaamka Dimuquraadiga ah ee inagu cusub oo aha markaa curdin, qof waliba afkiisa wuu u madax banaan yahay (FREEDOM OF SPEECH)  ilaahay mooye qof somaliland ku nool oo naftiisa iyo maalkisaba u baqayaa ma jirto dadku way is dhex mushaaxayaan Xisbiyo Qaran ayaa meel walba lagu hadal hayaa waxaad moodaa in ay qabyaaladii dadka ka sii baxayso oo nidaam xisbi dadkuu la soo qabsanayaan saacadu markay tahay abaaro 6;00 fiidnimo ayaa waxaa soo dhacay war dhiilo ah oo shacbiga somaliland oo dhami mar qudha ku noqday afariir iyo af kala qaad saacado kadiba waxaa warkii la booday cadowgii Somaliland oo galiya dhamaan aaladaha casriga ah ee wararka lagu faafiyo talow warkaasu muxuu yahay yaab

Muuse Biixi iyo wixiisii xilka lahaa, Muuse ayaa wuxuu diray sidii uu caadada ahaan jirtayba koox dhiig miirato ah oo aan xishood iyo xushmad midna lahayn oo u hogaaminaayo nin la odhan jiray (CAWAR XAREED)  Muuse wuxuu faray in shil Somaliland ku kala yaacdo oo ma hadho ah oo aan qofna qof bixin ay sameeyeen,Muuse Biixi wuxuu ragaa faray in jid gooyo laga sameeyo wadada u dhaxaysa Gabilay iyo Borama ragga bir ma gayada ahna lagu dilo meesha, walibana wuxuu u sheegay in aan raga la dilin ee dadka hortooda lagu gowraco si aanu dabkaasu u bakhtiyin.

Hadaba waxaa dhacay in hogaamiye CAWAR XAREED awaamiirtii Muuse Biixi si fiican u qaatay kooxdiina uu kaxaystay, kadibna ay galeen wadada u dhaxaysa magaalada GABILAY  iyo Borama wuxuu joojiyay laba gaadhi oo  landcruiser ah oo ay saaran yihiin 5 nin oo walaalo ah o qurbo joog reer BORAMA ahaa oo walibana mdi ka mid ahaa watay 4 ciyaala iyo xaaskiisii

Gacan ku dhiigle CAWAR XAREED iyo kooxdii uu watay ee MUUSE BIIXi  diray waxay la soo dageen 5tii nin ee  ilaahay dartiii u socday ee wax godob ah waligood aan ka galin dad, mudo dheerna ka maqnaa dalkooda hooyo kuna sii jeeda magaaladii ay ku dhasheen ee aanay mudada dheer arag, ku darsoo loona sii diyaar garoobay soo dhawanytooda o gurigii ay ku dagi lahaayeen iyo qaraabadii wakhtiga dheer aan arag ee sugaysaba sii fadhiyeen halkii soo dhawantooda loo sii qorsheeyay.

Inkaar qabe CAWAR XAREED  intuu ragii la soo dagay 5ta ahaa  ayuu caruurtii iyo dumarkii ku hor gowracay  isaga oo fulinaaya sidi qorshuhu ahaa ee dardaarnka Muuse BIIXI u soo siiyay talow markuu Muuse Biixi sida ku talinaayay muxuu Somaliland ka filayaa inay noqoto.

War xun meel ma fadhiisto ayay somaalidu ku maah maahdaaye warkiiba wuxu gaadhay magaaladii Borama isla markiiba hub la guray dagaal la abaabul dadka qaarba yaabay o arintii fajaciso ku noqotay, ciidamadii dowlada police iyo cidii khusaysay arintii la gaadhsii,  oday ka sheeke iyo amakaak dadkii Somaliland ku noqotay, wixii caqli lahaa yidhi mala xabashi ayaa waxan samaysay cadaawad intaa leeg oo somaliland dhex taala ma jirtee, laakiin dhowr cisho kadib sheekadii sida cad ceeda u soo baxday in Muuse Biixi fartiisa iyo shaxdiisa ahayd, ragiina la qabay qaar ka mid ah, Muuse sidi u caadada ahayd intuu 20 inan isku wareejiyay yidhi” ANIGA O MUJAAHID AH MA FAQASHBAA  WAX IGU SAMAYN KARTA” isaga oo u jeeda DAAHIR RAYAALE

Intaa kadib madaxweyne DAAHIR si caqli iyo karaamo ku jirto arintii u gal dadkii la dilay qaraabadoodi u yeedh una sheeg in Muuse doonaayo in qaranimada Somaliland maanta burburto ee walaalayaal iska samra dowladuna arintaa inta ay baadhayso wax aydun samayn kartaan ma jirto magaca qaranka iyo tan madaweynahana ilaaliya Somalilandba wax kasta inagaga weyne 

N/B: bal  hadaba dadweynow hadii maalintaa aar goosi dhici laha oo labadaa beelood ee walaalaha ahi isku fakan lahaayeen MUUSE BIIXI maanta madaxweyne ma isku sharixi lahaa 

jawaabta waxaan ka sugayaa waa dadweynaha somaliland

 la soco ……………………

Advertisement

Ku Xayeysiiso