Gudaha ka akhriso Todoba Boqol oo Jeer ayuu Ku Wareegay Kacbada Manuu Xajin !!!!!

Adam Al-Hawash Waa Sacuudiyaan ku jira Da`da Meel Dhexaadka ah  700 jeer ayaanu wareegay Kabcada intii lagu guda jiray Xajka sanadkan, laakiin ma uusan Xajin.
“Waxaan kireeyaa kursi curyaan Dadka Xajaya waxaanan toddoba jeer ku wareejiyaa Kacbada, taasina waa sida aan u noolahay,” ayuu yidh.
Waxa uu sheegay in uu shaqeeyo kuwa Gaboobay ,Naafada iyo  curyaamiinta ah si uu ugu sameeyo tawaaf si uusan u waqti uga lumin inta uu ka fekero xajinta naftiisa.
Hawash waxa uu sheegay inuusan haysan  dhaqaale  wanaagsan oo ku gudan karo tiirka shanaad ee Islaamka se uu shaqeeyo si uu qoyskiisa u dabaro noloshooda.
Waxa uu sheegay in uu hawshan billaabay dhowr sano ka hor markii ay Hooyadii Kula talisay hooyadii oo  madaxeeda mar kasta oo uu ka baxo gurigiisa soo dhunkado.
“Waxaan Dhabarkayga  ku xidhxidhaa  maro  si aan u yareeyo xanuunka dhabarka, Cagahana Waxaan ku Xidhaa Sharabaado culus si aan uga fogaado Caga Xanuun” ayuu yidhi.
Hawash waxa uu sheegay in uu Dawaafsiiyey Kacbada in ka badan 100 qof oo xujay ah kana qaaday Ruuxiiba lacag u dhaxaysa  350 illaa 500 Riyaal .
“Tani waa shaqo adag  laakiin waxa aan ka helaa lacag fiican oo aan ku dabari karo qoyskeyga oo aan badbaadiyo mustaqbalkooda,” ayuu raaciyey.
Hawash waxa uu sheegay in shaqadiisa ay tahay mid aad u xaami ah xilliga bisha barakaysan ee Ramadaan iyo xajka oo ay yimaadaan Dadka ugu Badani .

Waxa kale oo uu sheegay in uu macaamiishiisa baro Ducada  ugu fiican (baryada Alle) si waafaqsan Sunnada  Nabiga Calayhi Salaam.
“Gaadhi  curyaanku  waxay u baahan yihiin xeelad aqoon wadata oo saacado badan ah iyo qaybinta isu-dheellitirka awoodda si looga fogaado daal,” ayuu yidhi.
Hawash mar uu ka hadlay waxa uu cuno wuxuu yidhi “waxaan cunaa Timir iyo Muus  si uu ii siiyo tamar ta aan   uga baahanahay shaqadayda“.ayuu ku soo Gabagabeeyey Hadalkiisa.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso