Xukuumadda Bangladesh: Maamulka Myanmar waxay ku aasaayaan miinooyinka xuduudda

 

Warar ka soo baxaya Xukuumada Bangaaldhesh ayaa Sheegaya in Maamulka Myanmar ku aasayaan Miinooyin Saddexdii Maamlmood ee u Dambeeyey Xuduudka ay wadaagaan Bangladhesh waxayna intaa ku dareen in ujeedadu tahay in laga hortago in dib loo celiyo Muslimiinta Rohingya ee ka soo cararey Xasuuqa Myanmar ka socda.

Labada ilood oo kale oo la socda xaalada  kana warqaba se ka gaabsaday magacooda sababtoo ah xasaasiyadda arrintani ayaa sheegtay in Bangladesh ay si rasmi ah uga hortagi doonto in lagu aaso miino Masaafad aad ugu dhaw Xuduudka labada Dal Kala Qaybiya.

 

Ilaa 25kii Agoosto  ciidanka Myanmar ayaa bilaabay olole lagu dilay ugu yaraan 400 oo qof waxaana qaxay 125,000 Rohingyas oo u gudbay dalka la deriska ah ee Bangladesh taasoo keentay dhibaato wayn oo bani’aadanimo.

 

“Waxay miino dhigayaan dhulkooda ,dhulka dhereran xuduudka iyagoo xayndaab ka dhigaya ,” ayaa uu yidhi mid ka mid ah Ilaalada Xuduudu, Laba weriye oo tegay ayaa sheegay in Bangladesh ogaatay miinada la dhigayo ka dib markii Ilaalada Xuduuda ay aragtay in lagu beeraayo Miinooyin Xuduudka.

“Waxaanu arkaynay Ciidamadooda oo u socda saddex ama afar kooxood oo ka shaqeynaya xayndaabka xadhkaha dhigayana dhulka kuna aasaaya miinooyin” ayuu yidhi mid ka mid ah ilaalada Xuduuda.

Ilahan ayaa sheegay in ay kooxahan hubeysan xidhnaayeen dhar rayid , laakiin waxay ku dareen inay kalsooni ku qabaan inaysan ahayn rag hubaysan oo Rohingya ah ee ay yihiin Ciidanka Myanmar.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso