Women’s Club Maxaad Ka Sheegaysa, Somaliland oo Dhami Meeday?

Women’s Club Maxaad Ka Sheegaysa, Somaliland oo Dhami Meeday?

Axmed Maxamed Diriye (Toorno)

Maalin dhawayd oo aan waxoogaa guud mar ah ka soo qoray dareenkaygii ku saabsanaa  Hargeysa Women’s Club, oo ka mid noqday dhismaha Jirde Hotel ayuu nin aanu saaxiib nahay oo BUrco joogaa farriin qoraal ah iyo telefoon ii soo diray, isagoo leh, Axmedoow maxaad ka sheegaysaa daaradan yar ee dayrka lagu wareejiyay, meeday Somaliland inteedii kale, halkay martay? .

Farriintii ayaa maskaxadaydii ku soo noqnoqatay, oo marba aan dib u soo gocday, markaasaan hoos isu-idhi, DEE WAA RUNTII, waayo immisa meelood oo hanti guud ahaan jiray ayaa maanta hanti gaar ahaaneed ah.  Waxaanan ka sii werweray inay dawladaha soo socdaana ay iibin doonaan

·         Bangiga Ganacsiga, mar haddii dawladdihii ka horreeyayba ay iibiyeen xaruntii hore ee taraafiga oo maanta uu ka dhisan yahay fooq gaar loo leeyahay

·         Saldhiga Dhexe ee Hargeysa, waayo dawladdihii ka horreeyay baa iibiyay xafiiskii Boosta ee hore iyo Gaandiba, oo maantaa waxaa ka socda dhisme gaar loo leeyahay

·         Guriga Shaqaalaha, waayo xukuumadihii ka horreeyay baa iibiyay dhismayaashii dawlada ee ka soo horjeeday, oo halkoodii ay maanta ka dhisan yihiin fooqyo bilicsan

·         Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, waayo maamuladdii ka horreeyay baa ku takri falay dhulka dhakhtarka weyn bari ka xiggaga soo jeeda, oo laga dhisay fooqyo lagu xardhay magac goobo waxbarasho oo gaar loo leeyahay

·         Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waayo dawladdihii hore ayaa iibiyay guryaha galbeed kaga soo jeeda ee ku yaala Waddada State House tagta

·         Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waayo waxaa koonfur barri ka xiga dhimse guri dawladeed ahaan jiray, oo maanta gaar loo leeyahay, oo weliba kafateeriya laga furay

·         Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, waayo dawladdihii ka horreeyay baa hanti gaar ahaaneed u wareejiyay dhulka iyo dhismeyaasha jihadda waqooyi kaga aadan, oo la igu yidhi saraakiil ciidan baa iska leh

·         Wasaaradaha Gaashaandhiga iyo Kalluumaysiga, waayo dhulka iyo dhismeyaasha hareeraha ka xigaa waaxay ahaan jieen hanti guud, maanta waynu ognahay

·         Hargeysa stadium, waayo dawladdihii hore ayaa garoonkii ciyaaraha iyo dabaaldega ee xagga barriga ka xigga u wareejiyay hanti gaar ahaaneed oo ay maanta ka dhisan yihiin cisbitaalo gaar loo leeyahay

·         Taliska Qaybta Booliiska Barriga Hargeysa, waayo dawladdihii hore ayaa iibiyay dhulkii uu ka dhisnaa Golihii Murtida iyo Madadaalada

·         Xarunta Dawladda Hoose ee Hargeysa, waayo dawladdihii ka horeeyay ayaa iibiyay kaalinta shidaalka ee ku xigta

·         Sayladda Xoolaha Hargeysa, waayo dawladdihii ka horeeyay ayaa wareejiyay dhulkii Gacanta

·         Wasaaradda Warfaafinta, Idaacada, iyo Telefishinak Qaranka, waayo dawladdihii ka horreeyay ayaa dhismihii Xaruntii Xisbiga ka dhigay suuq ay leeyihiin ganacsato

 Hantida dawladda yaa masuul ka ah?  Qodobka 15(1) ee Dastuurka Somaliland wuxuu sheegayaa “Daryeelka iyo ilaalinta maalka iyo hantida guud waa waajib saaran dawladda iyo muwaadiniinta, waxyeelada loo geystana xeerka ayaa lagaga abaal-marinayaa“. Markaa horta akhristoow, waa waajib inna saaran labaddeenaba, ee yaan lagugu didsan “Maxaa kaa galay”, waayo waa hantidaadii.

 Hanti guud, ma loo wareejin karaa hanti gaar ahaaneed? Haa, haddii ay timaado baaho loo qabo, isla markaana loo raaco xeerku jideeyay, sida ku cad qodobka 15(2) ee dastuurka Somaliland, oo leh “Hantida guud ee lahaanshaheeda ama ka faa’iidaysigeeda loo baahdo in la wareejiyo waxa ay ku wareegi kartaa si xeerka waafaqsan”.

 Sida xeerka waafaqsan, waxaa ugu horreysa in iibinta hantiga guud la baahiyo, oo ay u tartamaan ciddii danaysa, laakiin maanta waxaad ku war helaysaa- MIYAANAD OGAYN, WAATII BERRI HORE LGAGA IIBIYAY INA QUDHAC.

Wuxuu ninkii saaxiibkay intaa ku sii daraay, waxaa inagaga sii daran, ma ogtahay in HEBEL (musharaxiinta madaxtooyada midkood) uu leeyahay 40 block oo dhul iyo dhismeyaal ay dawladdii Soomaaliyeed lahayd, oo aanu cidna waxba ka waydiinayn, waayo wuxuu aaminsan inay hantidaasi tahay qaniimad Faqashtii lagala hadhay, xilli jihaad lagu jiray.  Hadda faqashtii dhisme dawladeed oo ay dhisto mooyaane, weli may iibinin dhisme dawladeed. Siddoo kalena, deked iyo garoon ay dhisto mooyeene, weli deked iyo garoon may kirayn.

Wuxuu intaas sii raaciyay, hebel iyo hebel (musharax iyo hogaamiye xisbe kale), waxay maanta gaar u leeyihiin dhimseyaal ay dawladdu lahayd, oo ay la wareegeen, isla markaana ay dayrkiisa ka dhisteen dhismeyaal cusub. Waxaanay u qabaan inay caqli badnaan iyo ragganimo ku keensadeen oo ay xalaal u tahay, sanad walbana xajka ayay tagaan, masaajidkana iyagaa dadaka uga horreeya.

Siddaasaynu ku faraxsanahay, oo haddii dadkaa iyo madaxdaa midkood su’aal laga waydiiyo hantidaa guud; waxaa suuro-gal ah inay dad kale difaacaan oo biyo la’aan iyo shaqo la’aani siriyeen ay difaacaan, iyagoo leh  “annagaa nalooo jeedaa”. Waayahaye, inoo wadda heelada, bal aynu eegno halka ay inala gaadho.

Advertisement

Ku Xayeysiiso