DAAWO SAWIRRADA+AKHRI: Magaallo-Xuduudeedda LAWYO-CADDO Oo Markii U Horreysay Yeellatay Maxakamad U Garnaqda+Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Dhismaheeda Dhagax-Dhigay  

17 magaalo oo 18-kii Bilood Ee U Dembeeyey   maxkamado cusub Laga Dhisay Iyo Guddoomiyaha Maxakamadda Sare Ee Somaliland Oo Ka Warramay

 

“Waxa Aannu Ogaanay In Magaalada Ugu Muhiisam Inay Gobolka Selel Maxkamad Yeelato Ay Tahay Lawyacaddo Oo Waa Magaalo-Xuduudeed, Dambiyada Ugu Badana Halkan Ayey Ka Dhacaan”

 

Lawyacaddo (Togaherer)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed oo ay wehelinayeen Badhasaabka Gobolka Selel, maayirka Saylac iyo masuuliyiinta garsoorka ee Gobollada Awdal iyo Selel, ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay maxkamad cusub oo laga dhisayo magaalada Lawyacaddo ee ku taal xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

Dhagax-dhigga maxkamadda cusub, kadib waxa uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland kulan la qaatay Maamulka Gobolka iyo degmada ee Selel, Taliyaha Qaybta booliska ee Gobolka Selel, Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Gobolka iyo Racfaanka ee Awdal iyo Selel, kulankaas oo ka qabsoomay magaalada Lawyacaddo, waxa lagu falanqeeyey sidii loo kobcin lahaa, loona sii horumarin lahaa adeegyada garsoorka iyo caddaaladda ee degaannada Selel.

Badhasaabka Gobolka Selel Md. Axmed Maxamed Xaashi (Axmed-naasir) oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in Lawyacaddo tahay meesha ugu koonaysa Somaliland, una xigta dhinaca dalka Somaliland, isla markaana ay tahay goobta say ka socoto shaqada ugu badan ee degaannada Gobolka Selel, waxa kaloo uu tilmaamay in Lawyacaddo tahay meel ay ku kulmaan dad badan oo isugu jira ajaanib, qoxooti xadka ka gudbaya iyo bulshooyin kale, sidaa darteedna ay muhiim tahay in hay’adaha garsoorku ka hawlgalaan.

“Aad ayey muhiim u tahay in Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadan Xaaji Cali halkan inoogu yimaad…Intuu uu joogay Aadan Xaaji Cali runtii waxyaabo badan ayaa soo kordhay oo isbeddel fiican ayaa ka muuqda gobolka iyo guud ahaanba Somaliland, waxaanna jira adeeg badan oo soo kordhay, imminka tii sii socotay ayaa la sii xoojinayaa, aad ayeyna muhiim u tahay in aynu dhagax-dhigno qayb ka mid ah Maxkamadda, adeeg badan oo hore oo dhinaca garsoorka ahna wuu u soo kordhay,” ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Selel.

Waxaannu intaas ku daray; “Waxa loo sii baahan yahay in meeshu tahay degaan koonaha dalka ah in aad loo eego, dedaal badana loo galo sidii kolba wax loogu qaban lahaa, looguna kordhin lahaa.”

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ahna Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa hadal uu kulankaas ka jeediyey ku sheegay in ujeedada ay safarka ugu tegeen Lawyacaddo ay tahay sidii loo xoojin lahaa ku dhaqanka sharciga.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aannu nimaadno magaalada xuduudka ah ee Lawyacaddo, innaga oo xoojinayna ku dhaqanka sharciga (rule of law) amma nidaamka, kala-dambaynta iyo dawladnimada oo runtii hore uga jirtay, waayo Hay’adihii Dawladdu way shaqaynayeen oo hay’adda ugu culus ee ka shaqaysa dhinaca nidaamka dacwaduhu waa booliska, waana hay’adda aadka uga hawlgasha meel kasta oo dalka ah, meel kasta oo aannu tagnana waa hay’adaha ugu badan ee ka hawlgala,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Waxaannu intaas ku daray; “Waxa aannu ogaanay in Gobolka Selel, magaalada ugu muhiisam inay maxkamad yeelato ay tahay Lawyacaddo oo Saylac ha ahaato caasimaddii gobolka, laakiin way ka dad badan tahay, dambiyada ugu badana halkan ayey ka dhacaan, dhawr arrimood ayaana sababaya oo marka koowaad waa magaalo-xuduudeed…Waxaanan u nimmi in aannu xoojiyo madaxda joogtay ee ay ka mid yihiin; garsoorka, booliska, Laanta Socdaal iyo hay’adaha kale ee dawladda oo ah maamulka guud ee hoos imanayey Badhasaabka iyo kuwa degaankaba, waxa kaloo aannu doonaynaa in aannu samayno garsoore joogto ah inuu halkan (Lawyacaddo) fadhiyo oo uu ka hawlgalo, si marka boolisku soo qabtaan qof uu xadhigiisa u xalaaleeyo, eega kiiskiisa amma la xaliya.”

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa xusay in 17 degaan oo ka mid ah Somaliland oo ay maxkamado cusub ka dhiseen sannad iyo badhkii u dambeeyey, waxaannu yidhi; “17 degmo oo qaarkood yihiin tuulooyin yaryar oo aad u istaraatiiji ah ayaa intii aan joogay sannad iyo badhkii u dambeeyey aan ka furay Maxkamado, waxaanna ka mid ah magaalada Wajaale oo aan hore wax maxkamad ah u lahayn, imminkana dacwadaha yimaad way ka  badan yihiin kuwa yimaad Gabilay, waxa kaloo meelaha aan maxkamadda ka furnay ka mid ah magaalada Boon, waxa kaloo ka mid ah Xaaji Saalax oo ay caasimad u tahay Oodweyne, marka la eegana Xaaji Saalax ayaa ka dhaqdhaqaaq badan, waayo xadka ayey ku taal. Magaalada Taleex ayaa ka mid ah meelaha kale ee aannu maxkamadda ka furnay, Badhan, Bullo-xaar, kuwaasina tusaale ahaan ayaan u soo qaatay, laakiin 17 magaalo amma degaamo ah ayaan maxkamadaha ka furnay.”

Waxa kaloo uu ka hadlay ujeedooyinka ay degaannadaas ugu faafiyeen maxkamadaha iyo guud ahaanba nidaamka garsoorka, waxaannu yidhi; “Marka hore dadka ayaa u baahan adeeggii, waayo dadweynaha ayaa ku badan, adeegii ayaa yaal oo dambiyadii ayaa ku badan.”

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa sidoo kale sheegay inay muhiim tahay in Gobolka Selel uu yeesho xabsi weyn oo lagu hayo maxaabiista la xukumo, isagoo xusay in dhismaha xabsigaas hore loo galay qorshihiisa, lana diyaariyey, balse haddana loo baahan in mar kale laga wada hawlgalo dhaqaajinta iyo fulintiisa, waxaannu iftiimiyey in la hayo dhulkii laga dhisi lahaa xabsiga iyo qalabkiisiiba, waxa qudha ee la raadinayo hayey dhaqaalihii ku baxay dhismaha xabsigaas.

Guddoomiyaha Maxkamadaha ee Gobollada Awdal iyo Selel, ayaa sheegay inuu aad ugu farxay safarka kormeerka ah ee Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ku tegay magaalada Lawyacaddo, iyadoo lagu jiro waqti aad u kulul oo aanay hore dhici jirin in madax ka socda Maxkamadda Sare safar ku tagaan degaanka ku yaal xadka Somaliland iyo Jabuuti, isagoo xusay in Maxkamadda laga dhisayo Lawyacaddo ay fududayn doonto hawlo badan oo loo tegi jiray Boorama.

Waxa kaloo halkaas hadal kooban ka jeediyey Guddoomiyaha Maxkamadaha Racfaanka ee Gobollada Awdal iyo Selel, waxaannu yidhi; “Sharcigu waa meesha lagu fadhiyo oo haddii laba qof is qabsadaan, qoys is qabsadaan, wixii kiisas madani ah amma ciqaab ah waa meesha la tago ee lagu kala baxo, sharciguna waa ka cid walba ka sareeya. Marka aad eegto Gobolladan Awdal iyo Selel waa gobollo aad u weyn, halkan aynu joognaana waa Lawyacaddo oo ah magaalada ugu dambaysa dhinaca xadka Somaliland, waana magaalo weyn, dadkuna inay caddaalad helaan xaq ayey u leeyihiin, waana wax lagu farxo, waayo halkan (Lawyacaddo) dad badan ayaa jooga, damiyo ayaa ka dhici kara, waana meel xad ah, markaa in dadku ay helaan garsoor u fududeeya wixii la isku haysto waa wax lagama maarmaan ah oo daruuriya.”

Guddoomiyaha Maxkamaddaha Racfaanka ee Awdal iyo Selel, ayaa sidoo kale sheegay in dadka reer Somaliland ay dhaqan u leeyihiin inay gar-naqsi qaab dhan ah ku kala baxaan marka ay is qabtaan, balse haddana markasta loo baahan yahay in garsoorka dawliga ahna si buuxda u shaqeeyo, isla markaana noqdo halka ugu dambaysa ee lagu kala baxo, laguna xaliyo kiisaska dacwadaha ah.

“Aad ayaan ugu farxaa in aan arko caddaaladda oo ku sii fidaysa gobollada Awdal iyo Selel, waxaanna sharaf u ah Aadan (Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland) in hay’adaha garsoorku gaadhaan ilaa Lawyacaddo, waana wax ummadda loo fududeeyey in caddaaladda loo dhaweeyo, llaahayna (SWT) innagula xisaabtamayo, kolayna dadka marka loo garqaado inta caddaaladda heshaa ma hadasho ee inta kale ee dulmiga wada ayuun baa hadasha, laakiin waxa loo baahan in qofka caddaaladda loo xukumayna uu hadlo, bulshadana u sheego inuu caddaalad helay, kana garab hadlo ka kale ee wax laga xukumay, dadkeennuna caddaaladda waxa ay u yaqaaniin hadba sida ay iyagu jecel yihiin,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee Gobollada Awdal iyo Selel.

Maayirka magaalada Saylac, ahna Guddoomiyaha Golaha Degaanka Degmada Saylac Md. Sacad Daahir Cige, Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Selel iyo xildhibaan ka tirsan Golaha Degaanka Saylac oo ka qaybgalay dhagax-dhigga dhismaha Maxkamadda cusub ee laga samaynayo magaalada Lawyacaddo, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yahay dedaalka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland ugu jiro in adeegyada garsoorka iyo caddaaladda la wada gaadhsiiyo degaannada Gobolka Selel iyo guud ahaanba dalka Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasoo sidoo kale  tilmaamay in maxkamadda laga dhisayo Lawyacaddo ay door muhiim ah ka qaadan doonto kiisaska kala duwan ee ka dhaca magaalada xuduudka ku taal.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso