Daawo :Maayir Ku Xigeenka Caasimadda Oo Dhagax Dhigay Dhisme Loogu Deeqay Qoys Indhoolayaal Ah Oo Ku Caydhoobay Abaarihii Ka Dhacay Dalka .

Dawlada Hoose ayaa Dhul ugu Deeqday, iyadoo dhismahanna ay hirgalinayso shirkadda Dhismaha Casiga ah ee Jano-gale Construction Company .

Qoyskan ayaa saddex caruur ah oo ka mid ahi ay ka naafoobeen aragga, iyagoo aabhoodna uu geeriyooday, xoolahoodiina uu ka madhay ka dib abaarihii ba’naa ee dalka ka dhacay .

Waxaana maanta dhismahan Dhagax dhigay Maayir ku Xigeenka Caasimadda C.casiis Cago-wayne, iyadoo ay wehelinayeen qaar ka mid ah xildhibaannadii golaha Deegaanka Caasimaddu .

 

Hoos Ka Daawo Muuqaalka .

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso