Xogaha Qarsoon ee ku duugan Socdaalka Murrashaxiinta KULMIYE iyo WADDANI ee Goboladda Barriga.

Socdaalka Murrashaxiinta Xisbiyada Somaliland ee gobolada barriga Somaliland ayaa badka soo dhigay kala duwanaanshaha Murrashaxiinta Xisbiyada Somaliland iyo sida ay u kala dhiiran yihiin.

 

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa  intii uu ku jiray socdaalkiisa gobollada barriga Somaliland aan seexan ama u hoyan goob ka baxsan deegaanka beeshiisu degto marka laba reebbo magaalo madaxda  Laascaanood.

 

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro  ayaa sidoo kale aan booqanayay goobaha iyo magaalooyinka ay degen yihiin beeshiisu.

 

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa isagu ka duwanaa waxaanna uu seexday degmada Fiqifuliye oo uu ahaa masuulkii ugu horeeyay ee Somaliland ka socda ee halkaasi u hoyda.

 

Geesta kalenna Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa booqday deegaanada Kalabaydh, Dharkeyn-geenyo iyo Hadaaftimo kuwaasi oo martiqaad loogu sameeyay intooda badan.

 

Dhacdii ugu xiisaha badnayd Socdaalka Laba Murrashax ayaa ahayd kadib markii Laba Murrashaxa ay isku maalin qodaxdu ugu gaabatay degmada Badhan halkaasi oo si gaar ah isha loogu hayay sida ay laba Murrashaxa u kala dhiiran yihiin iyo midkastaaba halka uu dhigto bustihiisa balse Waxaa la yaab noqotay kadib markii Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI u caraabay deegaanka Bohol oo ahaa deegaanka ugu dhow ee beeshiisu degto halka Murrashax Muuse Biixina u Caraabay deegaanka Fiqifuliye.

 

Casuumadaha Murrashaxiinta maanta loogu kala sameeyay deegaanada Hadaftimo iyo shugux shugux ayaa iyaduna ahayd mid kale oo Yaabkeeda lahayd waxaanna  Guddoomiye Cirro  socdaalka Guddoomiye Cirro u muuqdaa mid uu ku wacyigalinayo beeshiisa oo qudha.

 

Ahmed Koorajaan <koorajaan@gmail.com>

Advertisement

Ku Xayeysiiso