Somaliland iyo Xanuunka Daacuunka ee Yemen Ka dilaacay

Somaliland iyo Xanuunka Daacuunka ee Yemen Ka dilaacay
Axmed Maxamed Diiriye, ahmedmdiriye@yahoo.com
Sidda aynu la wada socono, geyiga Soomaalida iyo dalka Yemen ee olog biyoodka la ahba waxa bishii Abriil ee sanadkan ka dilaacay daacuun/shuban biyood halis, oo ay dad badani ku dhinteen.
Haddaba, maanta xanuunkani wuxuu fara baas ku hayaa dalka Yemen oo xagga biyaha jaar kala ah Soomalida; iyaddoo xanuunkaasi uu Yemen ku soo laba-kacleeyay ka dib markii uu shaqayn waayay nidaamkii bulaacadaah (Sewage system) ee caasimaad Sanca oo ay duqeeyeen diyaarado dagaal. Jaarnimadda ka sakow, waxa geyiga Soomaalida jooga qaxooti Yemeni ah, oo ka soo cararay dagaal beeleedka dalkaas aafeeyay. Siddaa awgeed xidhiidh socdaal oo bad iyo cirba leh ayaa ka dhaxeeya labada mujtamac.
Ilaahaybaa keena caafimaadka iyo cudurkaba, su’aashuse waxay tahay, ma jiraa wax talaabooyin taxaddar iyo ka-hortag ah oo ay Somaliland ka yeelatay xanuunka daacuunka ee dalka Yemen ku habsaday.
Mise dhamaanteen waxaynu ku mashquulsanahay doorashadda madaxtooyada ee ay labbadda bilood ka hadheen oo hal-ku-dhigeeddu yahay “TOLAAY! YAA BA TAGAAL WAAQ AHEEY!!!!”, YAA BA YOONIS AHEEY!!! (Raadkaan doraad dhigay, miyaan dib ugu soo laabtay, siddiiyoon dayeysanahay, miyan dawgii ka habaabay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso